Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay Hotello ku yaala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay horjoogaha afaraad ugu sareeya Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS, kaasi oo ku dhuumaaleysanayay Hotelka Kismaayo Labo, halka ciidanka ay sidoo kale howlgallo ka sameeyeen Hotelka Kismaayo kow oo ay baaritaanno ku socoto dadkii laga qabtay labadaasi hotel.

Horjoogahan ayay ciidanka Siroonka ka war heleen in gudaha suuqa ku dhex dhuuaaleysanayo, taas oo xuraan ay sameeyeen kaddib suuragalisay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana ay ciidanku sidoo kale howlgalka ku soo qabteen sideed qof oo kale, oo baaritaanno dheeraad ah lagu sameynayo.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo kormeer ku tegay Hoteelada ay ciidanka howlgalka ka sameeyeen ayaa amray in gabo ahaanba lala wareego labada hotel oo lagu kala magacaabo Kismaayo Kow iyo Kismaayo Labo ee ku yaalla gudaha suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafadda kula hadlay gudaha Suuqa bakaaraha ayaa sheegay in ciidanku ay sii wadayaan howlgallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa markale digniin u diray milkiilayaasha guryaha iyo Hoteelada ka kireynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab in lala wareegayo hadii shaqsiyaad ka tirsan Shabaab lagu qabto guryaha ama hoteelada ay ka kireeyeen, waxaana uu shacabka uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyeen ciidanka sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Hotelka Kismaayo labo ayaa ah markii afaraad ee ay ciidanku  ka qabtaan horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Shabaab.

Previous Post

Xaaladda Wariye Farxaan Suleymaan oo soo hagaageysa

Next Post

GOS oo Booqatay xarunta tababarka Xulka Qaranka cayaaraha Fudud ”SAWIRRO”

Next Post
GOS oo Booqatay xarunta tababarka Xulka Qaranka cayaaraha Fudud ”SAWIRRO”

GOS oo Booqatay xarunta tababarka Xulka Qaranka cayaaraha Fudud ”SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In