Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 10, 2015
in Wararka
0
Horjooge ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay Hotello ku yaala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay horjoogaha afaraad ugu sareeya Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS, kaasi oo ku dhuumaaleysanayay Hotelka Kismaayo Labo, halka ciidanka ay sidoo kale howlgallo ka sameeyeen Hotelka Kismaayo kow oo ay baaritaanno ku socoto dadkii laga qabtay labadaasi hotel.

Horjoogahan ayay ciidanka Siroonka ka war heleen in gudaha suuqa ku dhex dhuuaaleysanayo, taas oo xuraan ay sameeyeen kaddib suuragalisay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana ay ciidanku sidoo kale howlgalka ku soo qabteen sideed qof oo kale, oo baaritaanno dheeraad ah lagu sameynayo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo kormeer ku tegay Hoteelada ay ciidanka howlgalka ka sameeyeen ayaa amray in gabo ahaanba lala wareego labada hotel oo lagu kala magacaabo Kismaayo Kow iyo Kismaayo Labo ee ku yaalla gudaha suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafadda kula hadlay gudaha Suuqa bakaaraha ayaa sheegay in ciidanku ay sii wadayaan howlgallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa markale digniin u diray milkiilayaasha guryaha iyo Hoteelada ka kireynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab in lala wareegayo hadii shaqsiyaad ka tirsan Shabaab lagu qabto guryaha ama hoteelada ay ka kireeyeen, waxaana uu shacabka uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyeen ciidanka sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Hotelka Kismaayo labo ayaa ah markii afaraad ee ay ciidanku  ka qabtaan horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Shabaab.

 

 

 

Previous Post

Xaaladda Wariye Farxaan Suleymaan oo soo hagaageysa

Next Post

GOS oo Booqatay xarunta tababarka Xulka Qaranka cayaaraha Fudud ”SAWIRRO”

Next Post
GOS oo Booqatay xarunta tababarka Xulka Qaranka cayaaraha Fudud ”SAWIRRO”

GOS oo Booqatay xarunta tababarka Xulka Qaranka cayaaraha Fudud ”SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In