Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge sare oo ka tirsan Shabaab oo ku geeriyooday duqeyn galabta ka dhacday gobolka Gedo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Horjooge sare oo ka tirsan Shabaab oo ku geeriyooday duqeyn galabta ka dhacday gobolka Gedo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqeymo dhinaca cirka ah oo lala eegtay horjooge ka tirsan kooxda gummaadka ummadda Soomaaliyeed ayaa galabta ka dhacday gobolka Gedo.

Guddoomiyaha degmada Buur-dhuubo ee gobolkaasi Xasan Maxamed Xasan ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA u xaqiijiyay in duqeeymahaasi uu ku geeriyooday horjooge Sare oo ka tirsan kooxda Shabaab, kaasoo uu magaciisa ku sheegay Aadan Garaas, wuxuuna kooxda u qaabilsanaa dhinaca sirdoonka.

Related posts

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Ciidanka Hay’adda NISA oo war ka soo saaray hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April 4, 2026
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

April 4, 2026

Duqeynta ayuu sheegay in ay galabta ka dhacday deegaan lagu magacaabo Aqab-buul oo u dhaxeeya degmooyinka Diin-soor iyo Baar dheere oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Gedo.

Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo Xasan Maxamed Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in duqeynta oo dhacday galabta sagaalkii saac, kadib markii  diyaaradaha an duuliyaha wadin ee Mareykanka ay gantaal la eegteen gaari uu watay horjooge Aadan Garaase oo marayay meel 40 kiilo mitir bari kaga toosan degmada Baardheere.

“dadka deegaanka iyo hey’ado kale oo sirdoon ah oo annaga halkaasi noo jooga ayaa xaqiijiyay in uu duqeyntaasi ku geeriyooday nin la yiraahdo Aadan Garaas oo reer Gedo ahaa kana mid ahaa horjoogayaasha sar sare ee shabaab iyo nin la socday oo gaari yar watay oo isana la  dhintay horjoogahaasi” ayuu yiri gudoomiyaga degmada Buurdhuubo.

Duyaaradaha Mareykanka ooh ore duqeymo noocan oo kale ah ugu dilay horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Shabaab kuwaasoo uu ka mid ahaa horjoogihii kooxda Axmed Cabdi Ow Godane oo sanadkii hore lagu dilay gobolka Sh/Hoose.

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Ciidanka Hay’adda NISA oo war ka soo saaray hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka...

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Turkey):- Xoghayaha Joogtad ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulkadir Faarax, oo hoggaaminaya wafdi ka socda...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha Kumeel gaarka ah ee KGS oo soo magacaabay agaasimaha guud ee Madaxtooyada

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq u-magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In