Waa qayb ka mid ah deeqo raashin iyo lacag isugu jira oo inta lagu jiro bisha Ramadaan ay Shirkada HORMUUD ugu talo gashay in ay ku caawiso dadka bukaanada ah kuwa naafada ah iyo dadka danyarta ah qaarkood waxaana maanta la gaarsiiyay isbitaalada waa weyn ee caasimada bukaanada ku jira raashin iyo lacag .
Mas’uuliyiinta Hay’ada Hormuud Foundation ayaa ka hor inta aysan gaarsiin isbitaalada deeqda waxaa ay kulan la qaateen agaasimayaasha shan isbitaal oo kala ah Madiina,Banaadir,Dayniile’Keydsaney iyo Laansareeti iyadoo ay kala hadleen qaabkii loo gaarsiin lahaa bukaanada deeqda loogu tala galay.
Maamulaha Hormuud Foundation Muuse Axmed Nuur oo ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu sheegay in ay ugu talo galeen bukaanada jiifa isbitaaladaa shanta ah min 100 Dolar sidoo kalena shaqaalaha ay iyana lacag aan badneyn ay ugu talo galeen.
“Waxaan siin doonaan qof kastoo Bukaan ah 100 doolar shaqaalahana maadaama aysan mushaar qaadanin anaguna wixii ay xadidan yihiin hadana shaqaalihii ay tira badanyihiin oo si aad ah isbitaalada numberka naloo keenay ay aad u badan yihiin isbitaal waxaa ku jira bukaankiisa iyo shaqaalaha ay shaqaaluhu badan yihiin marka arimahaasi waxaa ay keentay in gacanta aan wada gaarsiino shaqaalaha marka qofka shaqaalaha ah 20 dolar oo afur uu ka dhigto”ayuu yiri Muuse .
Maamulayaasha isbitaalada ayaa waxaa ay aad ugu mahad naqeen Shirkada Hormuud sida ay u caawineyso dadka danyarta ah ee u baahan gacanta dadka wax haysta .
Marka laga reebo isbitaalka Banaadir isbitaalada kale waxaa bukaanka iyo shaqaalaha ay mas’uuliyiinta Hormuud Foundation gacantooda ku siinayeen lacag boqol dolar ah qof kasta oo bukaan ah hase yeeshee isbitaalka Banaadir isaga lacagtiisa waxaa loogu iibiyay raashin iyo shidaal sida uu mar kale sheegayo Muuse Axmed Nuur.
“Isbitaalka Banaadir oo bukaankiisu badan yahay waxaan isga siinay boqol loor oo bariis ah boqol loor oo bur ah boqol loor oo sokor ah kun liitar oo saliid ah kun iyo lix boqol oo Kiilo oo timir ah boqol gasac oo cabitaan ah toban jawaan oo caleen ah lixdan fuusto oo shidaal ah iyo sadax kun oo dolar oo iidaan ah Dr saas waad kula wareegtay”ayuu yiri Muuse .
SAWIR QAADE AXMED CALI KAAHIYE