Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hormuud oo lacag iyo raashin gaarsiisay bukaanada isbitaalada qaar {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hormuud oo lacag iyo raashin gaarsiisay bukaanada isbitaalada qaar {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa qayb ka mid ah deeqo raashin iyo lacag isugu jira oo inta lagu jiro bisha Ramadaan ay Shirkada HORMUUD ugu talo gashay in ay ku caawiso dadka bukaanada ah kuwa naafada ah iyo dadka danyarta ah qaarkood waxaana maanta la gaarsiiyay isbitaalada waa weyn ee caasimada bukaanada ku jira raashin iyo lacag .

Mas’uuliyiinta Hay’ada Hormuud Foundation ayaa ka hor inta aysan gaarsiin isbitaalada deeqda waxaa ay kulan la qaateen agaasimayaasha shan isbitaal oo kala ah Madiina,Banaadir,Dayniile’Keydsaney iyo Laansareeti iyadoo ay kala hadleen qaabkii loo gaarsiin lahaa bukaanada deeqda loogu tala galay.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

July 14, 2026

Maamulaha Hormuud Foundation Muuse Axmed Nuur oo ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu sheegay in ay ugu talo galeen bukaanada jiifa isbitaaladaa shanta ah min 100 Dolar sidoo kalena shaqaalaha ay iyana lacag aan badneyn ay ugu talo galeen.

“Waxaan siin doonaan qof kastoo Bukaan ah 100 doolar shaqaalahana maadaama aysan mushaar qaadanin anaguna wixii ay xadidan yihiin hadana shaqaalihii ay tira badanyihiin oo si aad ah isbitaalada numberka naloo keenay ay aad u badan yihiin isbitaal waxaa ku jira bukaankiisa iyo shaqaalaha ay shaqaaluhu badan yihiin  marka arimahaasi waxaa ay keentay in gacanta aan wada gaarsiino shaqaalaha marka qofka shaqaalaha ah 20 dolar oo afur uu ka dhigto”ayuu yiri Muuse .

Maamulayaasha isbitaalada ayaa waxaa ay aad ugu mahad naqeen Shirkada Hormuud sida ay u caawineyso dadka danyarta ah ee u baahan gacanta dadka wax haysta .

Marka laga reebo isbitaalka Banaadir isbitaalada kale waxaa bukaanka iyo shaqaalaha ay mas’uuliyiinta Hormuud Foundation gacantooda ku siinayeen lacag boqol dolar ah qof kasta oo bukaan ah hase yeeshee isbitaalka Banaadir isaga lacagtiisa waxaa loogu iibiyay raashin iyo shidaal sida uu mar kale sheegayo Muuse Axmed Nuur.

“Isbitaalka Banaadir oo bukaankiisu badan yahay waxaan isga siinay boqol loor oo bariis ah  boqol loor oo bur ah  boqol loor oo sokor ah  kun liitar oo saliid ah kun iyo lix boqol oo Kiilo oo timir ah  boqol gasac oo cabitaan ah  toban jawaan oo caleen ah lixdan fuusto oo shidaal ah iyo sadax kun oo dolar oo iidaan ah Dr saas waad kula wareegtay”ayuu yiri Muuse .

1 2 3 4 5 6 7 8 9

10

 

SAWIR QAADE AXMED CALI KAAHIYE 

Previous Post

Qarax lala eegtay kolonyo Imaaraadku leeyahay

Next Post

Faah faahin ka soo baxaysa qaraxii maanta

Next Post
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda

Faah faahin ka soo baxaysa qaraxii maanta

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Minister of Foreign Affairs Pays Condolence Visit to the Embassy of Qatar

July 14, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, paid a condolence visit to the Embassy of the State...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

July 14, 2026
0

Hey’adda SoDMA ayaa maanta degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose, ka daahfurtay wajiga koowaad deeq gargaar raashin ah oo lagu...

Shir Looga Hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir

Shir Looga Hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir

July 14, 2026
0

Shirkani oo uu shir Guddoominayay Ku-xigeenka Duqa magaalada ee Maamulka iyo Maaliyadda ahna Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In