Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Horseed iyo Jenyo Maxaa Kala Haysta Galabta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Horseed iyo Jenyo Maxaa Kala Haysta Galabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Kubada Cagta Horseed oo matasha Ciidanka Xooga ayaa Lumisay Kaalinta labaad ee kala horeynta Horyaalka Soomaaliya kadib markii barbaro ay la gashay kooxda Gadiidka oo ah kooxda ugu hooseysa kooxda ku Xigta.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Horseed ayaa liidatay bilahii ugu danbeyay horyaalka Soomaaliya ayadoo bishii april iyo March, todobo kulan oo a ciyaartay Horseed labasi bilan afar kulan ayeey qasaarisay sadex barbaro ayeey gashay hal kulan waa ay guuldareysatay kooxda Ciidanka Xooga.

Kooxda Horseed ayaa adkaatay Todobo kulan Sadex iyo Toban kulan oo ay Ciyaartay waxay gashay Shan barbaro taasi ayaana ah sababta keentay in Horseed asageed ay sare maraan barbarihii ugu danbeyay oo ay la gashay ayeey ku lumisay kaalinta labaad ee kala horeynta horyaalka Soomaaliya.

Kulamada sadex iyo tobanka ah ee haatan la ciyaaray ayaa ahaa kuwa isbadal ku riday horyaalka Soomaaliya ayadoo kooxo fara badan ay lumiyeen boosaskii ay kaga jireen liiska kala horeynta horyaalka Horseed ayaa noqotay kooxdii ugu danbeyay ee ku dhacay isbadalkii ugu danbeyay taasi oo lumisay kaalinta labaad kooxda hogaanka ay hayso ee Dekadda waxay u jirsatay tiro dhibco ah oo gaaraya afar dhibcood maadam Horseed la hakiyay.

Gadiidka guusha ay ka gaartay horsed ayaa ahayd mid ay mid aanan Isbadal ka abuurin sadexda kooxod ee ugu hooseya horyaalka dhibicda ay ka heshay horsed ayaa noqoneyso dhibicdii tobanaad oo ay uruursato kooxda Gadiidka ayadoo dhibic ay ka hooseyso kooxda Batroolka oo kaalinta 8-aad kaga jirto kala horeynta horyaalka waxaana laba dhibcood ay ka hooseysa kooxda Madbacadda oo kaalinta 7-aad kaga jirto tartanka.

Horseed kulanka soo socda waxay fooda isdari doonan kooxda Jenyo oo guuldaro kala soo kulantay hogaamiyaasha horyaalka Soomaaliya waa Dekadda oo laga adkaaday hal kulan oo quraa dhamaan  kulamadii ay u Ciyareen xili ciyareedkan halka kooxda Gadiidka ay la ciyaari doonto kooxda Heegan oo matasha.

Kooxaha Horseed iyo Jenyo kulanka soo socda oo ay ciyaari doonan ayaa ka mid ah Kulamada ugu adag horyaalka Soomaaliya kulamada ay ciyaraan Lixda kooxod ee ugu tunka, Sida kooxaha Banaadir Horseed Heegan Dekadda Elman iyo Jenyo Kulamada Kooxahasi ayaa ah kuwa loogu daawashada badan yahay horyaalka Soomaaliya.

Jenyo iyo Horseed ayaa ah laba kooxod oo aad u xifaaltama kulamada ay ciyarayaan kulankii hore ama lugtii hore oo ay wada ciyareen is aragii hore ee horyaalka ayaa kooxda Jenyo waxaa looga adkaaday 2-0 ayadoo kooxda Jenyo xaaladu ay ku tahay xili ciyareedkan ayadoo kooxda Horseed oo awoodeeda sii diicafeyso-na ay ka faa,ideysan karto kooxda Jenyo Maadama Kooxda Horseed ay ku guuldareysatay in ay ka adkaato kooxda labaad ee ugu hooseyso horyaalka waloow kooxda Gadiidka ay sidoo kale garaacday Jenyo.

Kooxda Jenyo ayaa ka badis badan kooxda Horseed Sagalkii kulan ee u danbeyay oo ay wada Ciyareen hase kooxda Jenyo ma ahan Horseed-dii ay ka adkaan jirtay Sagalkii kulamadii ugu danbeyay oo ay guul gaarto kooxdaasi waayo Horseed ayaa la geliyay qarash fara badan kadib markii Maamulka kooxdaasi ay go,aansadeen in ay boorka ka jafaan kooxda Ciidanka Xooga ee Horseed Cawa iyo Maalin.

Jenyo wax guul ah ma gaarin labadii kulan ee ugu danbeyay oo ay ka hortagtay kooxda Horseed waxaana Jenyo ay kala kulantay laba guuldaro oo is xiga labadii kulan ee ugu danbeyay, Jenyo kulan ay ka adkaato horyaalka Soomaaliya Kooxd horsed waxaa ugu danbeyay Xili Ciyareedkii 2017 kolkaasi oo Jenyo hal gool ay ugu adkaatay Kooxd Horseed kulamadii ka horeyay kulankaasi ayaa kooxda Horseed waxay ku guuldareysatay in dhinaceeda dhulka ay dhigto kooxda Jenyo oo xiligaasi ay u joogan qaar ka mid ah xidigaha haatan ay ku duulan kooxaha ugu awooda badan horyaalka Soomaaliya oo ay ugu horeyso Horseed oo la wareegtay xili ciyareedkii hore Mashiinkii qadka dhexe ee kooxdaasi waa Xasaasi oo ka hor imaan doono kooxdisii hore ee Jeenyo oo kulankii kan ka horeyay markii ugu horeysay ka hor imaaday kana guuleystay.

Sagalkii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada Ciyareen kooxaha Horseed iyo Jenyo ayaa ahaa kuwa natiijadooda hal dhinac u badneyd kulamadii ay soo Ciyareen Sadexdii xili ciyaared ee ugu danbeyay lix jeer ayeey adkaatay kooxda Jenyo kulamadaasi halka Kooxda Horseed ay adkaatay laba kulan oo quraa sagalkii kulan ee ugu danbeyay oo ay ka hortagto Horseed kooxda Jenyo hal kulan oo quraa ayeey barbaro galeen Sagalkii kulan ee ugu danbeyay.

         

 

Previous Post

Afhayeenka Ciidamadda Militariga ee G/Hiiraan “Waxaan dilnay 30 ka mid ahaa Maleeshiyada Al shabaab”

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo biloowday Tababarka tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo biloowday Tababarka tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo biloowday Tababarka tababarayaasha ee Waxbarashada Madaniga "SAWIRRO"

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In