Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horyaalka 30-aad ee ciyaaraha fudud oo la soo gebagebeeyay+Sawirro.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xiriirka Soomaaliyeed  ee ciyaaraha fudud ayaa shalay galab garoonka  Banaadir ku soo xeray horyaalka 30-aad  ciyaaraha fudud ee dalka, Horyaalka waxaana kasoo qayb galay  Guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi, Madaxa Xiriirka Gos Xaaji Colow  Madaxa arimaha Gobolada Gos Ibraahin Roombe, Agaasimaaha waaxda isboortiga ee wasaaradda dhalinyarada  Cabdullahi Aabow iyo Madaxda xiriirka ciyaaraha fudud.

Waxaa ugu horayn halkaas ka hdlay Xoghayaha Guud ee XSCF  Maxamed Cabdullaahi Dhaaleeywaxuuna  wabixiyay qaabtka uu tartanka u furmay , kaalmaha kooxaha iyo ciyaartoyda  kala galeen waxuuna tilmaamay in habka bandhiga ciyaartoyda uu sanadkan aad u wanaagsaa sanadadii hore  macalimiintana ay si wanaagsan u soo diyaariyeen ciyaartoyda.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Sidoo kale waxaa munaasabada xeritaanka ka hadlday ku-simaha guddoomiyaha XSCF Khadiijo  Aadan Daahir waxayna si gaar ah ugu  mahad celisay kooxaha iyo  ciyaartoyda tartankaka qaybgashay oo soo bandhigay ciyaar asluub ku salaysan , waxayna dhanka kale sheegtay in xiriirka tix gelin gaar ah uu siin doono ciyaartoyda kaalmaha wanaagsan ka gaaray tartantan loona diyaarin doono in ay matalaan xulka qaranka.

Madaxa xiriirada Gos Xaaji Colow ou kuhadlayay mgaca Gos  ayaa  sheegay in uu  marqaati  ka noqday ciyaaro wanaagsan oo muujinaya in  la heli karo  ciyaartoy  Soomaaliya matali ciyaraha Olombikada adunkaka 2016-ka dhici doonaa dalka Brazil, waxuuna xiriirka kula dardaarmay in ay halkooda ka sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan in ay ciyaaraha fudud horumariyaan.

Agaasimaha waaxda isboortiga ee wasaaradda dhalinyara iyo isboortiga  oo xaflada ka halday ayaa tilmaamay in  wasaaradu  ku qanacsan tahay hanaanka wanaagsan ee wax u wadaan xiriirka ciyaaraha fudud taageerana ay lagarab taagan yihiin waqti walba , waxuuuna soo xeray horyaalki 30-aad ee ciyaaraha fududu.

Horyaalki 30-aad ee ciyaaraha fududu oo ay ka qaybggalayeen 8 koox ayaa koobab iyo bilado la gudoonsiiyay kooxihi iyo ciyaartoydii kaalmaha hore ka galay tartanka,

Naadiga Heegan  ayaa uruursaday dhibcihi ugu badnaa xaga qiimaynta kooxaha waxaana lagu abaal mariyay koobka kaalinta koowaad, waxaa ku soo xigay  kooxda Iimaan Hospital oo kaalinta labaad gashay noo kob lagu doonsiiyay ,  xagga gabdhaha koobka kaalinta 1-aad waxaa ku guulaysatay kooxda Iimaan  labaadna waxaa  gashay Olympic Fitness Centre.

Sidoo kale waxaa abaal marino la guddoonsiiyay SNTV iyo Radio Goobjoog oo ka qayb  qaatay tabinta inta uu tartanka socday. dhanka kale Xiriirka ciyaaraha fudud ayaa abaal marin gaar ah  guddoonsiyay Cabduqaadir Cali abiikar (Waraabe) oo ahaa halyeeygii maadoonka Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In