Friday, December 8, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horyaalka 30-aad ee ciyaaraha fudud oo la soo gebagebeeyay+Sawirro.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 5, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xiriirka Soomaaliyeed  ee ciyaaraha fudud ayaa shalay galab garoonka  Banaadir ku soo xeray horyaalka 30-aad  ciyaaraha fudud ee dalka, Horyaalka waxaana kasoo qayb galay  Guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi, Madaxa Xiriirka Gos Xaaji Colow  Madaxa arimaha Gobolada Gos Ibraahin Roombe, Agaasimaaha waaxda isboortiga ee wasaaradda dhalinyarada  Cabdullahi Aabow iyo Madaxda xiriirka ciyaaraha fudud.

Waxaa ugu horayn halkaas ka hdlay Xoghayaha Guud ee XSCF  Maxamed Cabdullaahi Dhaaleeywaxuuna  wabixiyay qaabtka uu tartanka u furmay , kaalmaha kooxaha iyo ciyaartoyda  kala galeen waxuuna tilmaamay in habka bandhiga ciyaartoyda uu sanadkan aad u wanaagsaa sanadadii hore  macalimiintana ay si wanaagsan u soo diyaariyeen ciyaartoyda.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay khuburo Milatari oo ka socday Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay khuburo Milatari oo ka socday Turkiga

December 7, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Talyaaniga

December 7, 2023

Sidoo kale waxaa munaasabada xeritaanka ka hadlday ku-simaha guddoomiyaha XSCF Khadiijo  Aadan Daahir waxayna si gaar ah ugu  mahad celisay kooxaha iyo  ciyaartoyda tartankaka qaybgashay oo soo bandhigay ciyaar asluub ku salaysan , waxayna dhanka kale sheegtay in xiriirka tix gelin gaar ah uu siin doono ciyaartoyda kaalmaha wanaagsan ka gaaray tartantan loona diyaarin doono in ay matalaan xulka qaranka.

Madaxa xiriirada Gos Xaaji Colow ou kuhadlayay mgaca Gos  ayaa  sheegay in uu  marqaati  ka noqday ciyaaro wanaagsan oo muujinaya in  la heli karo  ciyaartoy  Soomaaliya matali ciyaraha Olombikada adunkaka 2016-ka dhici doonaa dalka Brazil, waxuuna xiriirka kula dardaarmay in ay halkooda ka sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan in ay ciyaaraha fudud horumariyaan.

Agaasimaha waaxda isboortiga ee wasaaradda dhalinyara iyo isboortiga  oo xaflada ka halday ayaa tilmaamay in  wasaaradu  ku qanacsan tahay hanaanka wanaagsan ee wax u wadaan xiriirka ciyaaraha fudud taageerana ay lagarab taagan yihiin waqti walba , waxuuuna soo xeray horyaalki 30-aad ee ciyaaraha fududu.

Horyaalki 30-aad ee ciyaaraha fududu oo ay ka qaybggalayeen 8 koox ayaa koobab iyo bilado la gudoonsiiyay kooxihi iyo ciyaartoydii kaalmaha hore ka galay tartanka,

Naadiga Heegan  ayaa uruursaday dhibcihi ugu badnaa xaga qiimaynta kooxaha waxaana lagu abaal mariyay koobka kaalinta koowaad, waxaa ku soo xigay  kooxda Iimaan Hospital oo kaalinta labaad gashay noo kob lagu doonsiiyay ,  xagga gabdhaha koobka kaalinta 1-aad waxaa ku guulaysatay kooxda Iimaan  labaadna waxaa  gashay Olympic Fitness Centre.

Sidoo kale waxaa abaal marino la guddoonsiiyay SNTV iyo Radio Goobjoog oo ka qayb  qaatay tabinta inta uu tartanka socday. dhanka kale Xiriirka ciyaaraha fudud ayaa abaal marin gaar ah  guddoonsiyay Cabduqaadir Cali abiikar (Waraabe) oo ahaa halyeeygii maadoonka Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay khuburo Milatari oo ka socday Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay khuburo Milatari oo ka socday Turkiga

December 7, 2023
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari iyo saraakiil sarsare oo ka socday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Talyaaniga

December 7, 2023
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacawday Soomaaliya mudane...

Soomaaliya iyo Ethiopia oo mar kale kala saxiixday Is-afgarad la xiriira Arrimaha Difaaca

Soomaaliya iyo Ethiopia oo mar kale kala saxiixday Is-afgarad la xiriira Arrimaha Difaaca

December 7, 2023
0

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magaalada Addis Ababa Is-afgarad dhinaca Difaaca ah kula saxiixday...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo kuwa dhiggeeda ah”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo kuwa dhiggeeda ah”

December 7, 2023
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In