Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howl-gallada Ciidanka Xoogga Dalka & Gabaldhaca Alshabaab!!!

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Tababar loo soo xiray  Ciidan ka tirsan Ururka 60-aad ee qaabilsan Ilaalada Madaxtooyada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Alshabaab oo ah koox ka been sheegtay Diinta Islaamka iskana dhaadhicisay in ay kaligood Muslim yihiin, Soomaalida kalana u haysata dad gaalo ah ama ka ridoobay Diinta Islaamka waxay dalka Soomaaliya lagu arkay markii ugu horaysay sagaashameeyadii.

Waqtigaas waxay ahaayeen in la tirin karo oo gacmaha lagu soo qabqaban karo, haddii loo dhaqaaqo, laakiin awoodooda xoogga leh waxay la soo baxeen, waagii Maxkamadaha  2006dii..

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Waxaa xaqiiq ah in ay kooxdaani ay yaambo iyo katarabiil ay ka dhigteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan wax la barin iyo dad waawayn oo maangaab ah iyo qaar kale oo nolosha lagu ciririyey.

Hadda waxaa meelo ay ku dhuumaalaystaan oo dalka ka mid ah ka socda Beegsi qurux badan oo aan waxba lagu yeelaynin dadka weli ku hoos nool Alshabaab, taas oo  lagu bartilmaan beegsanayo Amiirada iyo horjoogayaasha Kooxdaas, arintaas oo ay fulinayaan Cutubyo ciidamada Geesiyiinta ah ee soomaaliyeed iyo dalalka Saaxiibada la ah oo daqiiqad iyo saacad kasta lagu qaarjinayo xubno sar sare oo qawlaysatada Alshabaab ka tirsan.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab maanta   ka sameeyey deegaanno hoostaga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellada Hoose  ayaa waxey ku dileen horjoogayaal Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka iyo Sirdoonka.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka oo lahadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in Horjogayaasha la dilay  ay magacyadooda ay kala ahaayeen horjooge Macalin Xuseen oo Nabadiidka Al-shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, una qaabilsanaa Amniyaadka isagoo Horjooge u ahaa koox dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho iyo gobolka shabellaha hoose iyo Sidoo kale howlgalkan waxaa lagu khaarajiyey Farxaan Daahir Xiirane oo isna  Al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka, waxaana ay tilmaameen Horjooge Xiirane uu dhowr jeer oo hore dalka Siiriya kaga soo qeyb qaatay dagaalo.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa dhawaan sheegay in Ciidamada Amniga ay toogteen  maleeshiyaad hubeysan oo Baabuurta ka dhex toogta dad aan waxba galabsan, isagoo intaa kudaray  in la haayo cadaymo muujinaya in maleeshiyadaan ay ka danbeeyeen dilkii Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Maxamed Maxmuud Sheekh oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho, taas oo ku tusineyso Dadaalka Ciidamada ay ugu jiraan soo afjaridda Kooxdan arxanka daran ee Alshabaab.

Qaar laga soo qabtay iyo qaar kale oo iska soo dhiibay oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay  in lagu qalday Diinta islaamka oo aysan aqoon fara badan u lahayn, islamarkaana ay run moodeen, waxaaney intaasi raaciyeen in ay maanta ka shalaayayaan wixii ay Soomaalida kale u gaysteen.

C/rxamaan Xuseen Wardheere oo muddo 12 sano kamid ahaa Alshabab ayaa isna dhawaan sheegay in uu ka baxay kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab, isagoo intaa kudaray in aysan qanaaco ku qabin dhalinyarada Wali baaqiga ku ah Alshabaab,waxuuna  ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowladnimada, kana faa’ideystaan cafiska Madaxweynaha JFS iyo barnaamijka dadkaaga kamid noqo ee wasaaradda amniga.

Waxaa hubaal ah in laynta maanta lagu hayo Alshabaab iyo weerarada isdaba joogga ah oo ay ku hayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed uu noqon doonaa mid looga adkaado qawlaysatada Alshabaab, isla markaana ay mahadin doonaan soomaalida oo dhami.

Bal eeg: Al-shabaab bartilmaameedkoodu waa qof kasta oo Soomaali ah. Waxaadna ka garan kartaa Qaraxyadda saf mareenka ah ee ay Shacabka ku laynayaan. Tiiyoo ay u dheer tahay dilalka hoose iyo dibindaabyooyinka kale ee ay sida qarsoon ugu waxyeelaynayaan dadka Soomaaliyeed,,, Haddana wali dadka Soomaaliyeed ma aysan ku baraarugin cadawga dalka, dadka iyo diinta.

Miyeeysan ku haboonayn inaan meel uga soo wada jeesano Cadawga. Inta loo caqli celin karana aan kala soo baxno illeyn waa caruurteeniyee inta kalana aan wadajir ula dagaalano,

Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqanada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan Dadka Muslimiinta ah iyagoo adeegsanaya Magaca Diinta Islaamka.

Sidoo kale Culumada Al-Azhar Al-shariif ee Dalka Masar, oo ah Xarunta Diimeed ka ugu caansan Caalamka Islaamka ayaa dhowaan soo saartay Fatwo iftiimineysa sida argagixisada Al-shabaab ay u baal marsan yihiin Diinta Islaamka, kuwaas oo caadeystay daadinta Dhiigga Muslimiinta iyo ku been abuurashada Diinteenna suubban.

Guntii iyo gabagabadii Alshabaab waa la isla gartay in ay yihiin cadaw waxaana qof ahaan u jeedaa in lagu jiro Dhamaadkooda Haddii Alle Yiraahdo.

W/D:C/raxmaan SONNA

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo maanta daah furey Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Next Post

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada XFS ee dhawaan la magacaabay oo maanta xafiiskiisa la wareegay.

Next Post
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada XFS ee dhawaan la magacaabay oo maanta xafiiskiisa la wareegay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada XFS ee dhawaan la magacaabay oo maanta xafiiskiisa la wareegay.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In