Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha oo maanta daah furey Golaha Dhaqaalaha Qaranka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha oo maanta daah furey Golaha Dhaqaalaha Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabada ayaa lagu daah furey golaha dhaqaalaha qaranka, oo ay ku mideysan yihiin aqoon yahno Soomaali iyo ajnabi isugu jira, kuwaas oo dowladda Soomaaliya kala talin doona qaabka dhaqaale ee wadanka loo rabo.

 

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Ra’iisul wasaaradaha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo khubad ka jeediyay munaasabada ayaa ugu horeyn u mahadceliyay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka , mudane Jamaal Maxamed Xasan oo wasaaradiisu soo abaabushay xaflada isla markaana mas’uul ka aheyd isu keenida golahan.

Mudane, Kheyre ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin muhiim u ah umadda Soomaaliyeed maadaama  laga hadlayo waddadii loo mari lahaa kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

“Sababta aan idin ugu yeeranay ayaa ah in aad nagala talisaan arrimaha dhaqaalaha wadanka, si aanan go’aan khaldan u qaadan oo hadhow dhibaato noqon kara wadanka,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa sidoo kale, sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay bedesho qaabka dhaqaale ee wadanka maanta uu yahay, isla markaana diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan maamul xumida iyo musuq maasuqa.

“Waa in aan isku filnaanaa, si aan isugu filnaano waa in aan soo dhaweynaa qof kasta oo arrintaas naga caawin karo,” ayuu sheegay Khayre.

Mudan Xasan Cali Khayre, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in ay doonayaan in aduunka uu bedelo qaabkii Soomaaliya loola macaamili jirey ayna ku qiimeeyaan Soomaaliyada maanta iyo sida ay u socoto.

Golaha dhaqaalaha qaranka, ayuu ra’iisul wasaaraha u sheegay in wixii talo ah oo ay soo gudbiyaan ay qaadan doonaan isla markaana la fulin doono, isagoo xusey in loo baahan yahay in dhaliilaha jira ay soo bandhigi karaan si wax looga qabto.

Xafladda ayaa sidoo kale, waxaa ka hadlay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, ayaa dhankiisa sheegay in golahan wixii ay u baahan yihiin ay ku caawin doonaan, si shaqada ugu sahlanaato.

Dr. Cali Ciise Cabdi, oo kamid ah golaha dhaqaalaha qaranka, oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta hagaajinta dhaqaalaha wadanka.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano labada aqal kamid ah, dadweyne kala duwan iyo mas’uuliyiin kale.

 

Previous Post

Booliska Gaalkacyo oo qabtay Dad ka ganacsanayey waxyaabaha Maanka dooriya

Next Post

Howl-gallada Ciidanka Xoogga Dalka & Gabaldhaca Alshabaab!!!

Next Post
Tababar loo soo xiray  Ciidan ka tirsan Ururka 60-aad ee qaabilsan Ilaalada Madaxtooyada+Sawirro

Howl-gallada Ciidanka Xoogga Dalka & Gabaldhaca Alshabaab!!!

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In