Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgal dagaal iyo gargaar wada socda (Warbixin)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Howlgal dagaal iyo gargaar wada socda (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa sii kordhaya kala firaxdaka Kooxda, waxaa kaloo sii kordhaya isu soo dhiibka gacanta Dowladda, isi soo dhiibka waxaa ugu dambeeyay laba Horjoogeyaal sare oo ka tiran kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidammada dowladda ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Labadan horjooge ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Goobbe) iyo Food Aadan Maxamuud. Ilo wareedyo laga soo xigtay Saraakiisha Ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka, waxaana Raggaan lagu tilmaamaa in ay ka mid ahaayeen horjoogayaasha is qariya ee talada kooxda wax ka gooya, tanina waa farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Labada nin ayaa la socday baabuur noociisu yahay Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Buโ€™aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo kaddibna ka soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere, kan ugu weyn waxaa la yiraa Aadan Goobe, waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada, isaga oo u matalin jiray gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose.

Labadaan horjooge oo ku jira gacanta dowladda ayaa haatan lagu hayaa goob nabdoon, iyadoo saddexdii bilood ee la soo dhaafay Al-shabaab ay ka soo goostay ilaa tobaneeyo horjoogeyaal ah iyo boqllaal malleeshiyaad ah, oo u adkeysan waaye cadaadista dagaal ee ciidammada dowladda iyo duqeymaha diyaaraha Mareykanka ee lagu baacsanayo kooxahan argagixisada ah.

Dhanka kale Hayโ€™adda Nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal la soo baxay waxaa lagu sheegay in Horjooge Aadan Goobe oo isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda uu soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ee caasimaadad Soomaaliya, kaasi oo horey u ahaa xubin sare oo ka tirsanayd Alshabaab.

Dhanka kale Ciidammada Kummaadoosta Soomaaliya ayaa mar kale gurmad raashiin ah gaarsiiyey shacabka masaakiinta ah ee ku sugan deegaannada Sabiid iyo Caanoole. Ciidank DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tagay deegaannada Sabiid iyo Caanoole iyagoo gawaaridooda ku soo raray raashiin noocyo kala duwan leh oo ay ugu talo galeen in ay uga jawaabaan dhibaatada dhinaca nolosha ah ee ka jirta deegaanadii ay dhowaan sida xoogga ah uga saareen Maleeshiyada Itaalka darran ee Al-shabaab.

Taakuleyntaan oo ah tii labaad ayaa ujeedkeedu yahay in la badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee u baahan amniga iyo gurmadka, kuwaas oo sannado badan aanan helin gargaar sidaan oo kale ah, maadaam ay gummaad ku hayeen argagixisada Al-shabaab, waxaana arrintaani faahfaahin ka bixiyay Afhayeenka ciidanka Danab Dr. Mawliid Axmed Xasan, wuxuuna sheegay in markii la qabtay Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ay Ciidamadu gaarsiiyeen Deeq Raashin iyo waxyaabo kale oo ay u baahnaayeen Dadka Deggan Goobahaasi, shalayna waxaa la gaarsiiyay Mucaawino kale oo ka kooban Raashin iyo qalabka Guryaha.

โ€œ waxaa kaloo aan goobtaasi ka furnay goob Caafimaad, maadaama ay ka muuqdeen Haweenka iyo Carruurta nafaqo-darro aad u baโ€™an, haddana waxaa ku talo jirtaa inaan ka abaabulno Dugsiyo ama goobo Waxbarasho oo ay naga codsadeen dadka Deegaanku inaan u sameeynno, maadaama ay ka jirto Waxbarasho laโ€™aan iyo Caafimaad laโ€™aan, goobtii Caafimaadkana waxaan ku wareejinay dadka deegaanka, maadaama xilli roobaab la galay waxaan gaarsiinay Agab ay Guryaha saartaan ama ku dhistaanโ€, ayuu yiri afhayeenka ciidamada danab.

Afhayeenka Ciidanka danab oo hadalkiisa sii wataa yaa intaasi ku daray in shalay iyo Xalay ay jiraan Howgallo ay ka sameeyeen deegaannada Leego iyo Yaaqbari-weyne oo looga sifeynayay Maleeshiyaadka Al-shabaab,ย haddaba Ciidanku gacanna waxay kula dirarayaan Cadowga Ummadda Soomaaliyeed, gacanna waxay ugu gargaarayaan Shacbigooda, marka howshu waa Howlgal dagaal iyo gargaar wada socda.

W.Q. C/laahi Ruush

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Hirshabeelle oo ka hadashay qorshaha wasaaradda+Dhageyso

Next Post
Wasiiru-dowlaha wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Hirshabeelle oo ka hadashay qorshaha wasaaradda+Dhageyso

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Hirshabeelle oo ka hadashay qorshaha wasaaradda+Dhageyso

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

September 9, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In