Galabta 24-ka Feberaayo 2020, ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka Mareyka ee AFRICOM duqeyn cirka ah ku qaadeen xagjiriinta Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Weerarkan oo qorsheysnaa ayaa lagu dilay mid ka mid ah xagjiriinta Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykan ee AFRICOM ayaa qaadaya taxadar dheeri ah oo lagu ilaalinayo waxyeello soogaarta shacabka inta lagu jiro la dagaallanka kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab, iyada oo si buuxda loo baarayo eed walba oo soo baxda. Ilaa hadda ma jirto cid shacab ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay.
Duqeyntan ayaa ah mid garab lagu siinayo dadaalada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaliya ee ay uga takhalusayso gaboodfallada Al-Shabaab, islamarkaana loo-gogol xaarayo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaaliyeed.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Xoogga Dalka, Danab iyo jaalkooda Dowladda Mareyka ayay ka go’antahay la dagaallanka argagaxisada Al-Shabaab, iyada oo aan loo aabayeelayn lab iyo dheddig, si loo baajiyo dhimashada dadka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruurta ku nool Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah. Dadaalada aan wadno ee aan ku badbaadinayno shacabka ayaa aad uga duwan weerarrada aan loomeeldayin ee Al-Shabaab ku qaadaan goobaha shacabka ku badanyahay ee Soomaaliya.
Duqeyntan lala tiigsaday xuddunta Al-Shabaab ayaa tusaale u ah in aysan Al-Shabaab meelna ku baxsan karin. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa soo afjaraya kuwa argagaxinta iyo dibindaabyada ku haya dadka Soomaaliyeed.