Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa sheeegay in dhawaan ay ciidamada amniga oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada.
Mudane Sharif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo dib ugu laabtay magaalada baydhabo kaddib howlo shaqo oo uu Muqdisho u joogay ayaa xusay in Soomaaliya ay xilligan ku tallaabsatay horumar dhinac kasta leh, kan maamul ahaana ay qorsheynayaan in ay sameyaan howlgallo lagu cirib tirayo haraadiga Al-Shabaab.
Ciidamada xoogga iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa bilihii ugu dambeeyay waxa ay wadeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo soo hooyay guulo la taaban karo.