Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo laga sameeyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Benaadir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka wada degmooyinka Muqdisho qaarkood

Ciidamo Balays ah - SAWIR HORE

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalladan ay ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Benaadir ay ka wadaan Degmooyinka Waabari, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka iyo isku xirka booliska iyo shacabka degmooyinka howlgalka laga fuliyay.

Taliyaha Hogaanka kormeerka ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Dhayib Axmed Dhagacaleen ayaa kormeeray Degmooyinka, Waaxyaha iyo Xaafadaha degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne, waxaana uu u kuur galay wada shaqaynta booliska iyo shacabka degmooyinkaasi, isagoo warbixno ka dhagaystay saraakiisha ciidamada booliska ee howlgalka hogaaminayay.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Jeneraal Axmed Dhayib ayaa sheegay in taliska uu go’aansaday in la sameeyo howlgallo joogta ah, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagarqabayaasha Al Shabaab.

Jeneraalka ayaa xusay in ku-simaha Taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Muqtaar uu amnray in saddex boqol oo ciidan oo ka tirsan ciidanka booliska loo qeybiyo degmooyinka, kuwaasi oo ay ka bilaabeen inay gaarsiiyaan ilaa iyo saddex degmo oo kala ah degmooyinka Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo Waaberi, isagoo xusay in ciidanka ay xoojinayaan la shaqeynta maamulka iyo shacabka degmooyinka.

“Saddex boqol oo askari ayaan u qeybinay ilaa iyo saddex degmo, maantana aniga kormeer ayaan ugu imid, si aan u ogaano howsha ay hayaan, ciidamada waxa ay u xilsaaranyihiin sugidda amniga degmooyinka la geeyay, waxaana ay shaqadooda tahay isku xirka maamulka degmada iyo shacabka, maadaama ay fariisimo ka sameysteen baro cusub” ayuu yiri Jeneraal Dhago caleen.

Maxamuud Xasan Barre Guddoomiyaha Waaxda Hanti  Wadaag ee Degmada Waaberi ayaa sheegay in ciidamada booliska ay shaqo wanaagsan ka qabteen Degmada Waaberi.

Maxamed Axmed Iidoow Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Xamar Weyne ayaa sheegay in aad ugu farxeen dadka Xamar Weyne ciidamada howlgalka ka samaynaya Degmadooda, ayna diyaar u yihiin la shaqeynta ciidanka.

howlgalkan ayaa waxa uu soconayaa muddo saddex maalmood, waxaana looga jawaabayaa dhacdooyinkii dhowaan ka dhacday qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

Next Post

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo faah faahin ka bixiyay dagaal ka dhacay Bariire “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo faah faahin ka bixiyay dagaal ka dhacay Bariire “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo faah faahin ka bixiyay dagaal ka dhacay Bariire "SAWIRRO"

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In