Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo laga sameeyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Benaadir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka wada degmooyinka Muqdisho qaarkood

Ciidamo Balays ah - SAWIR HORE

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalladan ay ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Benaadir ay ka wadaan Degmooyinka Waabari, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka iyo isku xirka booliska iyo shacabka degmooyinka howlgalka laga fuliyay.

Taliyaha Hogaanka kormeerka ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Dhayib Axmed Dhagacaleen ayaa kormeeray Degmooyinka, Waaxyaha iyo Xaafadaha degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne, waxaana uu u kuur galay wada shaqaynta booliska iyo shacabka degmooyinkaasi, isagoo warbixno ka dhagaystay saraakiisha ciidamada booliska ee howlgalka hogaaminayay.

Related posts

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025

Jeneraal Axmed Dhayib ayaa sheegay in taliska uu go’aansaday in la sameeyo howlgallo joogta ah, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagarqabayaasha Al Shabaab.

Jeneraalka ayaa xusay in ku-simaha Taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Muqtaar uu amnray in saddex boqol oo ciidan oo ka tirsan ciidanka booliska loo qeybiyo degmooyinka, kuwaasi oo ay ka bilaabeen inay gaarsiiyaan ilaa iyo saddex degmo oo kala ah degmooyinka Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo Waaberi, isagoo xusay in ciidanka ay xoojinayaan la shaqeynta maamulka iyo shacabka degmooyinka.

“Saddex boqol oo askari ayaan u qeybinay ilaa iyo saddex degmo, maantana aniga kormeer ayaan ugu imid, si aan u ogaano howsha ay hayaan, ciidamada waxa ay u xilsaaranyihiin sugidda amniga degmooyinka la geeyay, waxaana ay shaqadooda tahay isku xirka maamulka degmada iyo shacabka, maadaama ay fariisimo ka sameysteen baro cusub” ayuu yiri Jeneraal Dhago caleen.

Maxamuud Xasan Barre Guddoomiyaha Waaxda Hanti  Wadaag ee Degmada Waaberi ayaa sheegay in ciidamada booliska ay shaqo wanaagsan ka qabteen Degmada Waaberi.

Maxamed Axmed Iidoow Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Xamar Weyne ayaa sheegay in aad ugu farxeen dadka Xamar Weyne ciidamada howlgalka ka samaynaya Degmadooda, ayna diyaar u yihiin la shaqeynta ciidanka.

howlgalkan ayaa waxa uu soconayaa muddo saddex maalmood, waxaana looga jawaabayaa dhacdooyinkii dhowaan ka dhacday qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

Next Post

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo faah faahin ka bixiyay dagaal ka dhacay Bariire “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo faah faahin ka bixiyay dagaal ka dhacay Bariire “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo faah faahin ka bixiyay dagaal ka dhacay Bariire "SAWIRRO"

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan...

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In