Howlgal uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta ka billoowday deegaanno dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa lagu xoreeyey deegaanno badan oo ku teedsan wabiga Shabeelle, kuwaas oo ciidanku uu si nabad ah kula wareegay.
Dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyay khawaarijta ayaaa soo dhaweeyay howlgallada ciidamada, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin sidii ay ciidamada ula shaqeyn lahaayeen.