Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha iyo Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo fasaxday shaqaalaha rayi’dka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Maxamed Cabdi Waare uu kala magacaabey inay noqdaan ergo heer qaran oo qaabilsan arrimaha Somaliland iyo xasilinta.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjireyaasha dalalka Djibouti, Canada iyo Cuba.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

3- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo bogaadiyay Hawlgalka Midowga Afrika xilli ATMIS ay xuseyso sannadguuradeedii 1aad tan iyo markii la dhisay.

4- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo guddoomiyay shir looga hadlayey wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xoreynta dalka.

5- Wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab oo dhowaan bilaabanayaa, kaas oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska oo taageeraya Dowladda Soomaaliya.

6- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga nidaaminta gaadiidka Mooto Bajaajta.

7- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo gargaar aadminimo gaarsiisay Baardheere, Xuddur iyo Mesagawaa iyo barakacayeesha ku nool Gobolka Banaadir.

8- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo loo soo gudbiyay kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

9- Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in guud ahaan la curyaamiyay hannaankii maaliyadeed ee Khawaarijta.

10- Cabdi Xasan Hulbaale oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Khawaarijta Al Shabab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

11- Laba xubnood oo Khawaarijta ka tirsan Bishaar Shardi Maxamed Xasey iyo Yusuf Suleyman Abukar Jirow Salaaxudiin ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

12- Horjooge Xuseen Daahir Maalin Dhegay oo Khawaarijta Al Shabab ugu qaabilsanaa weerarada shacabka lagu waxyeeleeyo ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Degmada Ceel Dheer ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Horjooge Calas Ibraahim Axmed Barre ayaa isna lagu soo qabtey hawlgal isla degaankaasi ka dhacay.

13- Ciidamada Xoogga Dalka oo tuulada Makuude ee duleedka Baydhabo ku dilay 14-ka mid ah Khawaarijta Al-Shabaab.

14- Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo bilowday inay gargaar cunto ah u fidiso dadka ku nool degaannada laga xoreeyay Al Shabab, iyadoo la fulinayo hal ku-dhigga Nabad ku Afur.

15- Guddiga Tartanka Adeegga Xajka sanadka 2023 ayaa soo saaray liiska 75 shirkadood oo ku guuleystay bixinta adeegga xajka ee sannadkan.

Previous Post

Shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo maalintii labaad socoda

Next Post

Howlgallo lagula wareegay deegaanno hor leh oo ka dhacay Koonfurta Beladweyne

Next Post
Howlgallo lagula wareegay deegaanno hor leh oo ka dhacay Koonfurta Beladweyne

Howlgallo lagula wareegay deegaanno hor leh oo ka dhacay Koonfurta Beladweyne

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In