Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgalo ka dhan ah Alshabaab oo ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen Hirshabeele +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Howlgalo ka dhan ah Alshabaab oo ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen Hirshabeele +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shan qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin ayay ciidanka xoogga dalka qabteen, ka dib markii howlgal ka sameeyeen degaano dhanka bari kaga beegan degmada Jowhar ee caasimadda Hirshabeele, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa ka soo roqaansaday fadhiisamo dhowr ah oo ay kamid yihiin, Jowhar, Ceel-Baraf, Xawaadley iyo goobo kale.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Argagaxisada Alshabaab ayaa laga saaray degaano dhowr ah, oo ay kamid yihiin; Baloog, Shamiito, Jiliyaale, Buulo-dheer, Qajafeey, War-ciise iyo kuwo kale, saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay hub ka furteen maleeshiyaadka Alshabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale, waxaa ay fashiliyeen qaraxyo maleeshiyaadka argagaxisada ku aaseen waddooyinka isku xira degaanada howlgalada laga fuliyay. Waxaa howlgalka si wadajir ah u fuliyay ciidanka xoogga dalka qeybta 27 aad, kumandooska DANAB, Harmacad iyo kuwa Hirshabeele.

Degaanada howlgalada laga sameeyay ayaa dhammaan waxaa ay hoos tagaan degmada Jowhar, qiyaastii 30km ayay u jiraan, waana degaano ahmiyad balaaran leh oo maleeshiyaadka Alshabaab in muddo ah dadka ku duleysanayeen.

Previous Post

Wasiiro ka tirsan DFS oo maanta ka qeybgalay xuska maalinta ciidanka badda Soomaaliya +Sawirro

Next Post

Soomaaliya oo diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee taala ICJ

Next Post
Soomaaliya oo diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee taala ICJ

Soomaaliya oo diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee taala ICJ

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In