Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlwadeeno ka socday Mashruuca Talaalka COVID-19 oo kormeeray Isbitaalka Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Howlwadeeno ka socday Mashruuca Talaalka  COVID-19 oo kormeeray Isbitaalka Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howl wadeenada ayaa gaarey Magaalada Baydhabo taariikhda markay aheyd 11, Maarso 2024, waxayna socdaal ku mareen dhammaan qeybaha Caafimaadka ee loogu talagaley in uu ka fulo Mashruuca Tallaalka COVID-19 taasoo qeyb ah xaqiijinta adeegii loogu talagaley bulsho waynta Soomaaliyeed.

Ugu horrayn howl wadeenada ayaa gaarey xarunta Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed halkaas oo ay kula kulmeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Cali Duge, waxayna agaasimaha ka wada hadleen howlaha Mashruuca, caqabada jira ee la xiriira Tallaalka iyo guulaha laga gaarey ilaadda howlihii Mashruuca ee loogu talagaley Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Gobolka Baay.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026

Dhinaca kale howl wadeenada waxay socdaalkooda inta uu socdey gaareen xarunta Isbitaalka wayn ee Gobolka Baay, waxayna Isbitaalka kula kulmeen maamulka iyo howl wadeenada sida gaarka ah ugu shaqeynayey qeybaha loogu talagaley Mashruuca Tallaalka COVID-19 iyagoo booqdey goobihii la geeyey qalabkii laga iibiyey Koontada Mashruuca sida qaboojiyaasha Tallaalka, agabka kala duwan ee loo isticmaalo Ololaha Tallaalka iyo sidoo kale dhismayaasha xarumaha qaar oo iyaguna qeyb ka ahaa horumarinta Caafimaadka.

U kuurgallidda howlaha Mashruuca ee Baydhabo intii uu socday waxay howl wadeenadu gaareen Xarunta Isbitaalka Degmada oo isaguna ay ka socdeen howlo baaxad leh waxayna kulan la qaateen Maamulka Isbitaalka Degmada, iyagoo sidoo kale booqday goobaha lagu keydiyo Tallaalka iyo meelaha ay yaaleen qaboojiyaasha Tallaalka si loo hubiyo adeegyada lagu qabto iyo sida ay u shaqeeyaan.

Xarumaha fududeeya bixinta Caafimaadka ayaa si lamid ah indha indheyn lagu sameeyey qeybaha Tallaalka sida qaabka ay u wajahaan Ololaha Tallaalka iyo meelaha la dhigey qaboojiyaasha Tallaalka iyagoo maamulka iyo shaqaalaha xarumahaasi ka dhageysaneyey warbixino ku saabsan bartilmaameedka howl wadeenadu u socdeen, caqabadaha heysta iyo sida ay uga faa’ideysteen Mashruuca.

Mashruuca Tallaalka COVID-19 waxaa howlihiisa qeyb ka ah in ballaarim lagu sameeyo xarumaha Caafimaadka sida in lasoo kordhiyo dhismooyin loogu adeego bulsho waynta Soomaaliyeed gaar ahaan Gobolada uu ka shaqeynayo iyo in la helo warshadaha lagu gubo qashinka dawooyinka oo hadii aan xal loo helin dhalin kara dhibaato kale dhanka Caafimaadka ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashadabaahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

 

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas danyar ah

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In