Saturday, May 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Human Rights Watch oo ciidamada Kenya ku eedeeysay tacaddiyo ay u geysteen dad rayid ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 20, 2016
in Wararka
0
Human Rights Watch oo ciidamada Kenya ku eedeeysay tacaddiyo ay u geysteen dad rayid ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixin ay soo saartay Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch  ayaa waxa ay ku sheegtay in ciidamada Kenya ay ku kaceen gabood fallo ka dhan ah bani’aaddanimada, labadii sano ee u dambeeyay intii lagu guda jiray howllgallo ciidamada ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi bari iyo Magaalada Nairobi.

Waxa ay sheegtay Hay’adda in  la dilay dad badan, sidoo kalane la afduubay 34 Qof,  oo lagu qabtay howlgallada laga sameeyay deegaannadaasi, kuwaasi oo ilaa hadda aan meel lagu sheegin nolol iyo geeri.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Cabdi Barre, Maxamed ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay meel qiyaastii 18 Kiilo Mitir u jirta Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari, kaasi oo bishii Augost 2015 ay ciidamada ka qabteen meel ka baxsan Gurigiisa.

Eedeynta Human Rights Watch oo ka kooban 87 Bog  ayaa intaasi ku dareysa in muddadii dambe ay sii kordheysay qabqabashada dadka looga shakiyo Al Shabaab ee la dilo, iyaga oo aan Caddaalada marin kadibna iyada oo aysan ka warqabin Ehaladooda.

Hay’adda ayaa xustay in ka badan 8 bil ay wadday baaritaanka kiiskaan, oo laga fuliyay goobaha ay tacaddiyadu ka dhaceen ee Nairobi, Gaarisa, Wajeer iyo Bandheera, iyada oo wareysatay 117 Qof oo isugu jira dhibbanayaal, goob joogayaal, Qareenno, Wariyayaal, Ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Hay’adda xuquuqda aadanaha ay Ciidamada Dowladda Kenya ku eedeeyso dambiyo gabood fal ah, iyada oo howlgallada ciidamada ay sii kordheen, tan iyo markii ay bateen Weerarrada qorsheysan ee ka dhacaya Dalkaasi.

Previous Post

SAWIRO: Guddoomiyaha G/Banaadir oo kormeeray Sida loo bixinayo Raashin gargaara oo la geeyay qaar ka mida degmoyinka Gobolka.

Next Post

Kulan Looga Hadlayo Maalgashiga iyo Xoojinta Bangiyada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay- SAWIRRO

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In