Friday, June 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Human Rights Watch oo ciidamada Kenya ku eedeeysay tacaddiyo ay u geysteen dad rayid ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Human Rights Watch oo ciidamada Kenya ku eedeeysay tacaddiyo ay u geysteen dad rayid ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixin ay soo saartay Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch  ayaa waxa ay ku sheegtay in ciidamada Kenya ay ku kaceen gabood fallo ka dhan ah bani’aaddanimada, labadii sano ee u dambeeyay intii lagu guda jiray howllgallo ciidamada ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi bari iyo Magaalada Nairobi.

Waxa ay sheegtay Hay’adda in  la dilay dad badan, sidoo kalane la afduubay 34 Qof,  oo lagu qabtay howlgallada laga sameeyay deegaannadaasi, kuwaasi oo ilaa hadda aan meel lagu sheegin nolol iyo geeri.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Cabdi Barre, Maxamed ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay meel qiyaastii 18 Kiilo Mitir u jirta Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari, kaasi oo bishii Augost 2015 ay ciidamada ka qabteen meel ka baxsan Gurigiisa.

Eedeynta Human Rights Watch oo ka kooban 87 Bog  ayaa intaasi ku dareysa in muddadii dambe ay sii kordheysay qabqabashada dadka looga shakiyo Al Shabaab ee la dilo, iyaga oo aan Caddaalada marin kadibna iyada oo aysan ka warqabin Ehaladooda.

Hay’adda ayaa xustay in ka badan 8 bil ay wadday baaritaanka kiiskaan, oo laga fuliyay goobaha ay tacaddiyadu ka dhaceen ee Nairobi, Gaarisa, Wajeer iyo Bandheera, iyada oo wareysatay 117 Qof oo isugu jira dhibbanayaal, goob joogayaal, Qareenno, Wariyayaal, Ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Hay’adda xuquuqda aadanaha ay Ciidamada Dowladda Kenya ku eedeeyso dambiyo gabood fal ah, iyada oo howlgallada ciidamada ay sii kordheen, tan iyo markii ay bateen Weerarrada qorsheysan ee ka dhacaya Dalkaasi.

Previous Post

SAWIRO: Guddoomiyaha G/Banaadir oo kormeeray Sida loo bixinayo Raashin gargaara oo la geeyay qaar ka mida degmoyinka Gobolka.

Next Post

Kulan Looga Hadlayo Maalgashiga iyo Xoojinta Bangiyada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay- SAWIRRO

Next Post
Kulan Looga Hadlayo Maalgashiga iyo Xoojinta Bangiyada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay- SAWIRRO

Kulan Looga Hadlayo Maalgashiga iyo Xoojinta Bangiyada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay- SAWIRRO

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In