Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

ICJ oo maanta go’aan ka gaaraysa diidmada Kenya ee dacwadda badda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 2, 2017
in Wararka
0
ICJ oo maanta go’aan ka gaaraysa diidmada Kenya ee dacwadda badda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa maanta go’aan ka gaari doonta diidmada horudhaca ah ee ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya maxkamaddaasi u gudbisay in kabadan 2 sano ka hor.

Dooda labada dhinac

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Soomaaliya ayaa mar kale ku gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Intii uu dhageysiga socday, waxaa soo baxday in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa Is-afgaradkaasi.

Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.

Qareennada Soomalaiya matalayayLahaanshaha sawirkaICJ

Qareennada Soomalaiya matalayay

Sidaas darteedna dacwaddan ay ka baxsantahay xeer -xeyndaabka maxkamadda maadaama ay maxkamaddu qaado dacwadaha dalalka siyaabo kale ku heshiin waayay.

Qareenada Soomaaliya ayaa haseyeeshee diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareenada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaliya u leedahay inay caddaalad ka raadsato maxkamadda.

Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si dhakhse leh loo soo afjaro murankan.

Go’aanka Maxkamadda

Go’aanka maxkamadda ayaa noqon doona mid kama dambeys ah, oo ay tahay in labada dal ay u hoggaansamaan.

Haddii ay maxkamadu go’aamiso in Kenya aysan daw u lahayd diidmada dacwadda, waxay Kenya ku khasbanaan doontaa inay ka jawaabto dacwadda ay maxkamaddu geysay Soomaaliya sanadddii 2014-kii.

Balse taasi badalkeeda haddii garsoorayaasha ay qaataan dooda Kenya markaasi waxaa labada dal u furnaan doonta in ay khilaafkooda ku dhamaystaan wadahadal.

Dhagaysigan la soo gabogabeeyay ayaa khuseeyay oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Xigasho:-BbcSomalia

Previous Post

Xarunta Baarlamaanka oo ay ka socoto dhageysiga Qudbadaha Musharixiin u taagan xilka Madaxweynaha

Next Post

Raiisal Wasaaraha dalka jarmalka oo booqasho ku tagtay Turkiga

Next Post
Raiisal Wasaaraha dalka jarmalka oo booqasho ku tagtay Turkiga

Raiisal Wasaaraha dalka jarmalka oo booqasho ku tagtay Turkiga

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In