Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo taageero xoogan u muujisay qabsomidda doorashada Madaxtinimada Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxibadeeda IGAD’akhriso’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Urur goboleedka IGAD ayaa taageero xooggan u muujiyay qabsoomidda doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee lagu wado inay dhacdo dabayaaqada sanadkan aynu ku jirno.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo kulankooda 29aad ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay inay taageersanyihiin hanaanka doorashada dadban ee dalka, isla markaana ay soo dhaweynayaan dadaallada ku aadan sidii loogu guuleysan lahaa qabsoomidda doorashada Madaxtinimada ee Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo dhamaadka bisha December ee sanadkan.

Related posts

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa hoosta ka xariiqay in doorashada Madaxtinimada ee Soomaaliya la qaban doono xilliga loo qorsheeyay ee ah inta aysan dhamaan sanadkan 2016-ka

Mr Hailemariam Desalegn waxa uu sidoo kale tilmaamay in weerarada ay weli wadaan maleeshiyada Al-Shabab ay ugu wacanahay gaabis ka yimid xagga ciidamada Nabad ilaalinta Midowag Afrika ee AMISOM oo uu ku sheegay in ay ugu wacantahay taageeradii ay heli jireen oo aan gaarsiisneyn heerkii loogu talagalay.

Shirka Madaxda urur goboleedka IGAD ee diirada lagu saaray arrimaha Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle, Koonfurta Sudan Silva Kir, Wadanka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir iyo xubno kale oo ka socday sideedda dowladood e ay ku mideysanyihiin IGAD, waxaa kaloo ka qeb galay wakiilo ka socday Qaramada Midoobay iyo xubno la casuumay.

 

 

 

Previous Post

Maxkamad ku taala Jasiiradda Seychelles oo sii deysay dhalinyaro lagu eedeeyay burcad badeednimo

Next Post

Gaari ku qarxay agagaarka Siinka dheer xilli baaritaanno lagu hayay

Next Post
Maleeshiyaad ka tirsan UGUS oo miino kula qaraxday deegaanka Bakalle

Gaari ku qarxay agagaarka Siinka dheer xilli baaritaanno lagu hayay

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In