Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo Wasaaradda Gaadiidka ku wareejisay qalab laga maamulo cimilada dhanka duullimaadka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 9, 2016
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska hawada ayaa qalab lagu maamulo cimilada dhanka duulimaadka waxaa ay kala wareegtay Urur goboleedka IGAD.

Munaasabad qalabkaasi lagula wareejinayay wasaaraddaasi  ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada, wasiir ku xigeenka wasaaradaasi, maareyahaya hey’ada duulista iyo saadaasha hawada, masuuliyiin ka socotay ururu gobeleedka IGAD iyo marti sharaf kale.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Urur goboleedka IGAD ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqay qalabkan, waxaana qalabka ku wareejiyay wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada Soomaaliya Dr.  Guuleed Cartan oo ah agaasimaha hawada iyo beeraha ee urur goboleedka IGAD oo uu wehliyay wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed  Cabdi Afay.

Maareeyaha hey’adda duuliska saadaasha hawada ee Soomaaliya,C/waaxid  Axmed ayaa sheegay in qalabkaasi uu faa’iidooyin badan u leeyahay la socodka dhanka duulimaadka.

Dr Guuleed Cartan, oo ah agaasimaha hawada iyo beeraha urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in aysan noqon doonin markii u dambeysay oo ay qalab ku caawiyaan hey’adaha Soomaaliya, isagoo sidoo kale xusay in ay tababaro siin doonaan shaqaalaha qalabkan casriga ah ku shaqeyn doon.

Sidoo kale wakiilka uruka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay guul weyn u tahay in ay hesho qalab laga hago hawada Soomaaliya ee dhanka duulimaadka, isagoo tilmaamay in ay IGAD gacan ka geysan doonto xoojinta saadaasha hawada Soomaaliya..

Mudane Cali Axmed Jamac Jangeli, wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada Soomaaliya ayaa urur goboleedka IGAD ugu mahadceliyay taageerada ay u fidiyeen dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in qalabkan uu wax badan ku soo kordhin doono la socodka cimilada dhanka duulimaadka.

dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku heyso maamulida hawada Soomaaliya, iyadoo 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay gacanta ku heysay hey’adda qaramada mdioobay u qaabilsan dhanka duulimaadka rayid ah ee loo soo gaabiyo ICAO.

Previous Post

Gudoomiye Jawaari oo ka qeybgalay kulan looga arrinsanayay sameynta sharciga doorashooyinka

Next Post

Hay’adda UNHCR oo kenya ka dalbatay inay ka laabato go’aankii ay gaartay

Next Post
Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Oo Xaalada Dhinaca Nolosha Ah Ka Cabanaya

Hay'adda UNHCR oo kenya ka dalbatay inay ka laabato go'aankii ay gaartay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In