Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Iiraan oo Gacanta ku dhigtay Marakiib Shidaal

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Iiraan oo Gacanta ku dhigtay Marakiib Shidaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iiraan oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday.

Masuuliyiinta dalka Iiraan ayaa sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen gacanka istaraatejiga ah ee Faaris.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Tallaabadan ayaa u muuqata in dalka Iiraan uu kaga aargudanayo dalka Giriiga, taageeradii uu u fidiyey dalka Maraykanka si ay gacan ugu dhigaan Markab siday saliidh cayriin ah oo ku safrayay calanka dalka Iiraan, kaas oo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen Maraykanka isaga oo maraya biyaha badda Mediterranean-ka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Jamhuuriyadda Iiraan.

Hawlgalkan ay Ciidamada Iiraan kula wareegeen labada markab ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca gacankan muddo bilo ah, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo reer galbeedka ee ku aaddan heshiiskii Nukliyeerka ee ay la gashay qaar kamid ah quwadaha adduunka, Maaddaama Dehraan ay kobcinayso uranium badan oo ku dhow heer u sahlaya inay soo saarto hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Next Post

Abaar ba’an oo ka jirta degaanno kamid ah koonfurta Soomaaliya

Next Post
Abaar ba’an oo ka jirta degaanno kamid ah koonfurta Soomaaliya

Abaar ba’an oo ka jirta degaanno kamid ah koonfurta Soomaaliya

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In