Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ilhaan Cumar”Xayiraadii dhanka socdaalka ee Trump xalkeedi ayaan ku jirnaa”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ilhaan Cumar”Xayiraadii dhanka socdaalka ee Trump xalkeedi ayaan ku jirnaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee Gobolak Minnesota ee Mareykanka ayaa waxaa wada yeeshey Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo kamid ah xildhibaanada laga soo doorto Gobolka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay wehliyaan qaar kamid ah bulshooyinka   ka soo jeeda wadamada Geeska Africa ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis.

Mudadii uu socday kulankani oo ay soo qaban qaabisay Ilhaan Cumar ayaa waxyaabaha diiradda lagu saarey waxaa kamid ah,sidii loo wajihi lahaa wax ka qabashada saameyntii ay ku yeelatay go’aankii dhanka  socdaalka ilaa 6 dal oo Soomaaliya ay ku jirto oo uu soo saarey madaxweyne Donald Trump,caawinaada kaladuwan oo ay helaan dadkaasi hadii ay ahaan lahayd dhinacyada Caafimaadka,fursadah shaqo iyo guud ahaan adeeg yada muhiimka ah oo ay dadkani uga baahan yihiin Dowladadda.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay ku dadaalayso sidii xafiiskeeda uu uga shaqeyn lahaa in Soomaalida loo fududeeyo xagga socdaalka,hanoqdaan kuwa dalka jooga oo aqoonsigooodi uu dhacsanyahay balse u baahan in loo cusboonaysiyo,kuwa eheladoodi soo booqanaya iyo kuwa kale ee doonaya in dalka  ay yimaadaan,waxaana goob joog ka ahaa qaar kamid ah Qareenada dhanka socdaalka ee ka howlgala Gobolka Minnesota.

“Waxaa soo qaban qaabiyay kulankani xafiskayga,waxaan ugu talagalaynay in lagu caawiyo Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dadka kale oo geeska Africa ka soo jeeda sida Oromada oo xaafaddaan degan,waxaana warbixin looga dhageysanayay dhibaatooyinka dadkani haysta iyo sidii loogu doodi lahaa in xuquuqdoodi ay helaan,qareeno ayaan ka qeybgelinay,waxaana kala hadli doonaan Dowladda in cabashooyinkoodi wax laga qabto”, Ayay tiri xildhibaan Ilhaan Cumar.

Tan iyo markii Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ay ku guuleysatay xilkan loo doortay ayaa waxaa ay wadday qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii ay u raadin lahayd xuquuqaadka ka maqan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool deegaanka laga soo doorto iyo guud ahaan bulshooyinka kale ee la nool Soomaalida,waana kulan sanadkiiba 2 mar ay qabato.

Liibaan Xuseen 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulamay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Booqdayna Goobo Taariikhi Ah “SAWIRRO”

Next Post

Nin Soomaali ah oo weerar ka geystay dalka Canada

Next Post
Nin Soomaali ah oo weerar ka geystay dalka Canada

Nin Soomaali ah oo weerar ka geystay dalka Canada

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In