Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Imaaraadka oo xayiraadda ka qaadaya xoolaha Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Imaaraadka oo xayiraadda ka qaadaya xoolaha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka xannaanada xoolaha Soomaaliya Siciid xuseen Ciid iyo safiirka soomaliya u fadhiya waddanka isutagga imaaraadka carabta Cabdiqaadir Shiikh ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay sidii xayiraadda looga qaadi lahaa dhoofka xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka xanaanada xoolaha , deegaanka iyo kaluumaysiga ee waddanka Imaaraatka  Dr.Thani bin Ahmed alzeyoudi,oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay in ganacsiga labada dal uu yahay mid muddo dheer soo jiray,haatann loo baahan yahay in lasii kobciyo,gaar ahaan xoolaha nool oo uu ku tilmaamay laf dhabarta dhaqaalaha.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Maareeyaha guud ee maxjarka Boosaaso Maxamed Faarax iyo wasiirkii hore ee ganacsiga Puntland Cabdi-samad Yuusuf Maxamed oo ka mid ahaa wakiillada maamul-kaasi,ayaa sheegay inuusan jirin wax lagaga shakiyo xoolaha Soomaaliya, iyagoo xusay inay si weyn u hubiyaan caafimaadka guud ee xoolaha halkaasi ka dhoofa.

Masuuliyiinta dowladda isu tagga imaraadlka carabta ee shirkaasi ka qayb gashay ayaa ballan qaadday inay sida ugu dhaqsiyaha badan xannibaadda ugu qaadi doonaan xoolaha ka iman jiray Soomaaliya,oo saddex bilood ka hor ay joojisay Imaaraadka carabta.

Tan iyo markii ay hoos u dhaceen dhaq-dhaqaayadii burcad badeedda Soomaaliya waxaa dib u soo noolaaday dhiirri gelintii ganacsiga labada dhinac,iyadoo ay Soomaaliya iyo Imaaraadkuna yihiin kuwo uu ka dhexeeyo xiriir xagga baayac mushtarka ah oo aad u qoto dheer,kaasoo kaalin weyn kaga jira kobcinta dhaqaalaha labada waddan.

Previous Post

Raggii ka dambeeyay dilkii Hindiyo oo la xukumay

Next Post

Taliyaha ciidanka X.D.S oo Qaahira kula kulmay dhigiisa Masar.-Sawirro

Next Post
Taliyaha ciidanka X.D.S oo Qaahira kula kulmay dhigiisa Masar.-Sawirro

Taliyaha ciidanka X.D.S oo Qaahira kula kulmay dhigiisa Masar.-Sawirro

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In