Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raggii ka dambeeyay dilkii Hindiyo oo la xukumay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wariye Hindiyo Xaaji oo ka howl-gasha Warbaahinta Dowladda ayaa Muqdisho Lagu Dhaawacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad loo heystay eedeysaniyaasha kala ah; C/risaaq Maxamed Barrow Caddow, Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamee Abuukar Cali, Maxamed Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni oo xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidanka qlabka sida uu ku soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kkeyre ayaa lagu riday xukuno kala duwa.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in C/risaaq Maxamed Barrow Caddow ay maxkamadu ku riday xukun dil toogasho ah maadaama uu ahaa ninkii walxaha qarxa gaariga ugu xirey marxuumad Hindiyo Xaaji.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

C/risaaq Maxamed Barow, ayaa sidoo kale waxaa  lagu heley dambi ah in uu kooxda Al-shabab u qaabilsanaa dabagalka iyo sahaminta dadka wax galka u ah bulshada Soomaaliyeed oo kooxdu doonayso in ay dhibaateeyaan.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukun xabsi daa’im ah ku riday eedeysanayaasha kala ah; Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali iyo Macalim Maxamed Sheekh Yuusuf, maadaama ay qirteen in kooxda Al-shabab ay u qaabilsanaayeen faafinta afkaarta kooxdaasi isla markaana ka shaqeyn jireen  dugsiyo lagu fidiyo fikirta Al-shabaabnimada ah.

Maxkamadda ayaa eedeysanayaasha Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni, waxaa ay ku xukuntay shan sano oo xabsi ciidan ah, maadaama ay la shaqeyn jireen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Sadexda bishii 12 ee sanadkii 2015 ka ayaa koox ka tirsan Al-shabab waxaa ay magaalada Muqdisho ku dileen Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre oo kamid aheyd shaqaalaha Radio Muqdisho iyo Telefishinka qaranka.

DHAGEYSO XUKUNKA MAXKAMADDA

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/02/GUDOOMIYAHA-MAXKADAMA-DARAJADA-KOWED-EE-CIIDAMADA-QALABKA-SIDA-GASHANLE-DHAXE-XASAN-CALI-NUUR-SHUUTE-.mp3
Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Imaaraadka oo xayiraadda ka qaadaya xoolaha Soomaaliya

Next Post
Imaaraadka oo xayiraadda ka qaadaya xoolaha Soomaaliya

Imaaraadka oo xayiraadda ka qaadaya xoolaha Soomaaliya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In