Sunday, June 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IMF oo bogaadisay Hormarka DFS ay ka sameynayso kobaca Dhaqaale ee Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
August 3, 2019
in Wararka
0
IMF: Soomaaliya waddadii loo baahnaa ayay ku socotaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tan iyo markii Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaliya ay horumarin iyo dib u habeyn ballaaran ku sameysay hannaanka maamul-maaliyadeed ee dalka,waxaa sii kordhayay isbedelada dhinaca kobaca dhaqaalaha ee dalka,taasi oo keentay in Deeq bixiyaasha Caalamku ay u riyaaqaan Talloobooyinka iyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Lacagta Aduunka ee(IMF), ayaa si-weyn looga hadlay dadaalka ay waddo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya,iyadoo hay’addu bogaadisay guulihii laga gaaray sidii loo abuuri lahaa jawi uu ku kobco dhaqaalaha Dalka,taasoo loo marayo in si wanaagsan looga faa’iideysto ilaha dhaqaale ee dalka,islamarkaana la hagaajiyo hanaanka maamul-maaliyadeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

June 1, 2025

Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la soo gebagabeeyey wadatashiyo ay la lahaayeen dowladda Soomaaliya ee sanadka 2019, iyadoo qoraalka lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay kasbatay jawi ku dhisan kalsoonida deeqbixiyaasha Caalamka. Ka dib markii horumaro ay ka sameysay Hay’adaha maaliyadeed ee dalka iyo la dagaalanka Musuqa oo dhinackasta leh,waxaana warbixinta lagu sheegay in meelaha ay ku guuleysatay ay kamid yihiin horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha sida , dhiirigelinta Ganacsiga, Dib-u-dhiska iyo kuwo kale.

Hay’adu waxay kaloo warbixinta ku sheegtay in roob yarida Soomaaliya laga cabsi qabo in ay keeni karto saameyn dhinaca cunada ah,waxaa ka mid ah qorsayaasaha ay soo bandhigtay sida dhinaca kobaca, GDP waxaa lagu qayaasay 2018, 2.8 %,2019 2.9 % Qayaastii.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa horumarinta hanaanka qaadista canshuuraha ee dalka,taasi oo keentay in uu kordho dakhliga dowladda uu ka soo galo gudaha dalka, 30% in kabadan sanadkii 2017, islamarkaana ka caawinaysa dowladda Soomaaliya in ay ku bixiso adeegyada muhiimka ah ee ay dadweynahu u baahan yihiin,sida Caafimaadka,Waxbarashada,Mushaharaadka, iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka ah”. ayaa lagu yiri qoraakaasi oo ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka ee(International Monetary Fun).

Sidoo kale Hay’adda(IMF) ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in Soomaaliya ay gaari doonto isku filnaansho waqti dhow,marka la eego habka uu ku socdo horumarinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka,oo ay horumuudka ka tahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,waxaana ay intaasi ku dartay in deganaansho dhaqaale oo heer Federaal iyo Heer dowlad goboleedka uu jiro.

Warbixinta Hay’adda (IMF) ayaa lagu sheegay in horumarka dalka ay qeyb lixaad leh ka qadaanayaan Ansixinta Sharciyada muhiimka ah,sida Betroolka,La-dagaalanka Argagixisada, iyo kuwo kale ee muhiim ah,kuwaasi oo ay sheegtay hay’addu in ay keenayso Hufnaan,ayna horumarinayso hanaqaadka iyo hanaanka Dowladnimo.  Sidoo kale waxaa ayna bogaadisay dadaalada ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso horumaro laga gaaro guud ahaan ilaha dhaqaale ee dalka.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii dalka looga cafin lahaa deymaha,taasi oo meel fiican mareyso kadib markii laga gudbay qeybo badan oo ka mid ah shuruudihii laga rabay oo dowladdu guulo lataaban karo ay ka sameysay,waxaana taasi horseeday in aaminaad iyo kalsooni buuxda ay ku abuurtay taasi hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamka, iyadoo taasi fursad u siinaysaa in dalka deymaha laga cafiyo islamarkaana uu gaaro horumaro badan,sida koboca Dhaqaalaha,dib u dhiska,caafimaadka,waxbarashada,nolosha guud ahaan adeegyada muhiimkam u ah bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho

Next Post

Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Eng. Yariisoow oo sheegay in aaska Marxuumka uu dib dhac ku yimid.

Next Post
Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Eng. Yariisoow oo sheegay in aaska Marxuumka uu dib dhac ku yimid.

Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Eng. Yariisoow oo sheegay in aaska Marxuumka uu dib dhac ku yimid.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ,Mudane...

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye...

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Hassan Sheikh Mohamud oo ka ambaaqaaday gogoshii uu horey ugu dhawaaqay ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In