Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan boqol dhallinyaro oo tababar ku saabsan farsaamda gacanta uga furmay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Bulshada ku nool Gaalkacyo oo soo Dhaweeyay Hishiiska iskaashiga Amniga Galmudug iyo Puntland+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin  ka  tirsan  kuwa  dowlad  gobaleedka  Galmudug ayaa maanta  ka qeyb  galay munaasabad  lagu  daahfurayay  mashruuc  xirfado  ay  ku  shaqeystaan  lagu  barayo  dhallinyaro gaareysa  boqal  iyo  toban  dhallinyaro ah,  isla markaana isugu  jira  wiilal  iyo  gabdho, kuwaasi oo laga soo qoray xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Tababarkaan  oo  ay  iska  kaashanayaan  fulintiisa  Wasaaradaha  Waxbarashada  iyo  shaqada iyo Arimaha Bulshada  ee dowlad  gobaleedka  Galmudug  oo  gacan  ka  helaya  Hay’ado kala duwan ayaa Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale iyo Guddoomiyaha  Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali  Diiriye  Isxal  oo madasha ka hadlay ayaa  mahadcelin kadib la dar daarmay dhallinyarada loo soo xulay in ay tababarka  ka  faa’ideeystaan oo ay noqdaan kuwa xirfadda ay bartaan ugu adeega bulsadooda.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Munaasabadda  oo  sidoo  kale  ay ka hadeen mas’uuliyiin ka socday Hay’adaha  maalgalinaya  tababarka iyo xubno ka socday ururada bulshada ayaa waxa ay si wada jir ah u tilmaameen muhiimadda uu tababarkan u leeyahay dhallinyarada.

Wasiir  ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Galmudug mudane Maxamed Nuur Diini Afweyne ayaa sheegay in Galmudug ay joogteyn doonto tababar siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay bulshadooda wax ugu taraan.

Previous Post

Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ku guuleystay kursiga Hop#058

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kulan muhiim ah ku qabatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kulan muhiim ah ku qabatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kulan muhiim ah ku qabatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In