Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kulan muhiim ah ku qabatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kulan muhiim ah ku qabatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Guddiga Isku-duwidda heer dowlad gobaleed Galmudug ee Barnaamijka horumarinta dhaqaalaha loo-dhanyahay ee (ILED) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, kaas oo ay ka qeybgaleen Ku-simaha Wasiirka Wasaaarada Qorsheynta Galmudug, Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Galmudug, Madaxa Xafiiska Xafiiska Hagida Mashaariicda Midowga Yurub ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda federaalka, Wasaaradaha qeybta ka ah mashruucan iyo hay’addaha fulinayo mashaariicda IlED.

Kullanka waxaa looga hadlay waxyaabaha ka qabsoomay mashruuca horumarinta ee dhaqaalaha loo-dhanyahay ee ILED, deeganada Galmudug, waxyaabaha la qabtay, Caqabadaha, iyo mashaariicda  qorsheysan sannadkan 2022-ka in la hirgalayo, kuwaas oo waxtar u leh  bulshada ku nool deegaannada Maamulka.

Related posts

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026

Wakiilada Hay’addaha qeybta ka ah mashruucan fulintiisa ee kala ah RAAISA, FAO, UNFPA, NIS iyo AECF ayaa soo bandhigay waxyaabaha ugu qabsoomay Mashriicda ILED, iyo mashariicda socda ee  muhiimka ah.

Madaxa Xafiiska NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Maxamed Daahir Faarax ayaa hoosta ka xariiqay in Mashruuca ILED sidii loo baahan u socda, isla markaana loo baahan yahay in lasii dar-dargaliyo si bulshada iyo Galmudug ugu faa’iideystaan Mashruucan oo taabanayo xoola dhaqatada, Kalluumaysiga, Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Dhallinyarada iyo dhismaha Awoodda hay’adaha dowlad gobaleedka.

Wasiiru dowlaha Galmudug Mudane Cumar Zaaki ayaa ku bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka iyo hay’adaha fulinayo Mashruuca, isagoo intaa ku daray in ka Galmudug ahaan diyaar u yihiin qaab walba oo uu Mashruuca u hirgeli lahaa, si wadajirna u xalin doono caqabadaha iyo farsamooyinka Shaqo.

Previous Post

In ka badan boqol dhallinyaro oo tababar ku saabsan farsaamda gacanta uga furmay Gaalkacyo

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday xarunta Safaaradda Soomaliya ee Qatar “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday xarunta Safaaradda Soomaliya ee Qatar “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday xarunta Safaaradda Soomaliya ee Qatar “SAWIRRO”

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
0

Mas'uuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), xubno isugu jira Xildhibaanno, Wasiirro, Sanatarro, iyo masuuliyiin ka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaanka Dalladda...

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida...

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kadib markii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Ciidamada Qaranka ay qaadayaan howlgal kama dambeys...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In