Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kulan muhiim ah ku qabatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kulan muhiim ah ku qabatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Guddiga Isku-duwidda heer dowlad gobaleed Galmudug ee Barnaamijka horumarinta dhaqaalaha loo-dhanyahay ee (ILED) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, kaas oo ay ka qeybgaleen Ku-simaha Wasiirka Wasaaarada Qorsheynta Galmudug, Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Galmudug, Madaxa Xafiiska Xafiiska Hagida Mashaariicda Midowga Yurub ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda federaalka, Wasaaradaha qeybta ka ah mashruucan iyo hay’addaha fulinayo mashaariicda IlED.

Kullanka waxaa looga hadlay waxyaabaha ka qabsoomay mashruuca horumarinta ee dhaqaalaha loo-dhanyahay ee ILED, deeganada Galmudug, waxyaabaha la qabtay, Caqabadaha, iyo mashaariicda  qorsheysan sannadkan 2022-ka in la hirgalayo, kuwaas oo waxtar u leh  bulshada ku nool deegaannada Maamulka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wakiilada Hay’addaha qeybta ka ah mashruucan fulintiisa ee kala ah RAAISA, FAO, UNFPA, NIS iyo AECF ayaa soo bandhigay waxyaabaha ugu qabsoomay Mashriicda ILED, iyo mashariicda socda ee  muhiimka ah.

Madaxa Xafiiska NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Maxamed Daahir Faarax ayaa hoosta ka xariiqay in Mashruuca ILED sidii loo baahan u socda, isla markaana loo baahan yahay in lasii dar-dargaliyo si bulshada iyo Galmudug ugu faa’iideystaan Mashruucan oo taabanayo xoola dhaqatada, Kalluumaysiga, Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Dhallinyarada iyo dhismaha Awoodda hay’adaha dowlad gobaleedka.

Wasiiru dowlaha Galmudug Mudane Cumar Zaaki ayaa ku bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka iyo hay’adaha fulinayo Mashruuca, isagoo intaa ku daray in ka Galmudug ahaan diyaar u yihiin qaab walba oo uu Mashruuca u hirgeli lahaa, si wadajirna u xalin doono caqabadaha iyo farsamooyinka Shaqo.

Previous Post

In ka badan boqol dhallinyaro oo tababar ku saabsan farsaamda gacanta uga furmay Gaalkacyo

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday xarunta Safaaradda Soomaliya ee Qatar “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday xarunta Safaaradda Soomaliya ee Qatar “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday xarunta Safaaradda Soomaliya ee Qatar “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In