Wararka ayaa sheegaya in Dabka uu ka bilowday dabaqa afaraad ee dhismaha lagu magacaabo Winter Cherry complex,waxaana dadka ku waxyeelloobay dabkaan la sheegayaa in xiligaasi ay ku guda jireen daawashada Shineemooyin halkaasi kuyaala.
Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayaya in qiiq xoogan iyo Holac uu ka baxayay goobta dabkaasi uu ka kacay,iyadoo dadka qaabilsan dab damiska ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan dadka iyo hantida.
Vladimir Chernov oo ah Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Kemerovo ayaa sheegay in 13 maydad ah laga helay mid kamid ah qololka shaneemada, Ilaa iyo hadda lama oga waxuu dabku ka dhashay balse masuuliyiinta ayaa wada baaritaan.
Sida ay sheegayaan warar hordhac ah, saqafka saree ee dhismaha ayaa kusoo dumay labo kamid ah shaneemooyinka,wakaaladda wararka ee Inter-Tass ee Dalka Ruushka ayaaa sheegaysaa in hawl-wadeenada gargaarka degdega ah ay ku guuleysteen in ku dhawaad 100 qof ay ka daad gureeyaan dhismaha, waxayna ay badbaadiyeen 20 kale.
Dhismaha dabkaasi ka kacay ayaa kuyaala deegaan lagu magacaabo Kemerovo,kaasi oo ah deegaanka ugu weyn ee laga soo saaro dhuxusha,wuxuuna magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka ka xigaa qayaas ahaantii 3,600km (2,200 miles) ee dhinacaBari.
Dhismaha oo la furay sanadkii 2013 ayaa ka koobnaa makhaayado, meelo shaneemooyinka lagu daawado iyo sidoo kale meelo ay caruurtu ku ciyaaraan.