Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababar ay fulinayaan Engineero Militiri oo ka kala socda Qaramada midoobay iyo midowga Afrika ayaa magaalada Mqudisho laga bilaabay, kaas oo socon doona labo maalin, waxaana uu ku saabsan yahay dardargelinta la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Engeerada ka socda howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, dowladda Bratain iyo xafiiska taageerada qaramada midoobay ee Soomaaliya ayagoo AMISOM siin doona awood dheeraad ah oo ay kula dagaalamaan ururka Al-shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa xirfad militiri.

Related posts

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya , Ambassador Francisco Caetano Madeira, oo furitaanka tababarkan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in qorshahan Engineeriyada ku saabsan uu ahaado mid hubinaya wax tarka taageerada la siiyo howlgalka AMISOM ee ku aadan dagaalka Al-shabaab uu kula jiro.

“Waan hubaa in dhammaantiin aad ogtihiin ahmiyadda Engineeriyadda uu ku leeyahay howlgalada militiri,” ayuu ku yiri  Madeira war-saxaafadeed laga soo saaray xafiiskiisa Muqdisho.

“Doorka arintan ayaa waxaa kamid ah dagaalada, ku lug lahaanshaha dejinta qorshaha, dhismiyaasha, rakibaada qalabka, qorsheynta dhaqdhaqaaqyada, amniga iyo xasiloonida iyo arimo kale oo muhiim ah. Sababtaas ayaana ah sida uu muhiim ugu yahay howlgalkan sanadkan soo socda,” ayuu markale yiri.

Engireerada  militir sidoo kale waxaa ay sameyn doonaan fekir aruurin ku saabsan sida loo dardargelin karo howlgalada iyo sidii loo sameyn lahaa qorshe cusub oo lagu soo kordhinyo howlgalka AMISOM, waxaana sidoo kale dib u eegis lagu sameyn doonaa sida AMISOM hadda ay u fuliso howlgaladeeda isla markaana loo horumarin lahaa qorshaha AMISOM sanadka 2017.

“Siminaarkan waxaa uu na siinayaa madal aan isku dhaafsano khibrad. Waxaa balan qaadaynaa in aan la nimaadno qorshe is faham ku dhisan oo keeneysa in AMISOM ay awood u hesho dhammaan waxyaabaha ay u baahan tahay,” ayuu sheegay AMISOM Engineer Col. Kazela Kazela.

Isagoo sidoo kale, xusay in Engineeriyadda ay tahay arin muhiim u ah ciidanka isla markaana waqtigan ay ahmiyad kale leedahaya.

“Sida aad ka war qabtaan, Soomaaliya dhowaan waxaa ka qabsoomi doonta doorashooyin AMISOM oo kaashanaysa dowlada Soomaaliya waxaa ay ku leeyihiin door muhiim ahSomalia. Anaga door keena waa xaqiijinta iyo hubinta bad qabka meelaha doorashada lagu qaban doono. Engineeriyadana waxaa lagu sheegaa in ay leedahay door weyn waana arin horey loo qabtay,” ayuu sheegay ambassador  Madeira.

 

Previous Post

Shir madaxeedka IGAD oo Muqdisho ka furmaya

Next Post

Madaxweynaha: Istiraatijiyada Qaran ee ka hortagga argagaxisada (CVE)

Next Post
Madaxweynaha: Istiraatijiyada Qaran ee ka hortagga argagaxisada (CVE)

Madaxweynaha: Istiraatijiyada Qaran ee ka hortagga argagaxisada (CVE)

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

August 24, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirka Horumarinta Waxbarashada Koonfur...

Hay’adda Qaxootiga oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

Hay’adda Qaxootiga oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

August 24, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa la wareegtay daawo iyo agab caafimaad oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee dalka kusoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In