Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbedello laga dareemayo ageegyada ay qabato Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Sucuudiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Isbedello laga dareemayo ageegyada ay qabato Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Sucuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya  waxaa uu kamid yahay wadamada inta badan ay ku nool yihiin Bulshada Soomaaliyeed,kuwaasi oo halkaasi ku haysto nolol qaabad kaladuwan leh,Wakaaladda SONNA ayaa waxbadan ka ogaatay macluumaadka ku saabsan habka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dalkaasi ugu nool yihiin.

Soomaalida dalkaasi kunool oo lagu qayaaso kummanaan qof,waxay dalkaasi ku galeen qaabad kala gedisan,qaar taahriiba,qaar sifo sharci ah ku tagay iyo kuwo muddo halkaasi deganaansho ku haysta,waxaana dhamaan ay yihiin kuwo u nool siyaabo kaladuwan,waxaana kamid ah kuwo ganacsato ah,qaar xirfado kala duwan leh,sida baabuur wadidda,shirkadaha ganacsi iyo meelo kale.

Related posts

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026

Qunsulka Guud ee Soomaaliya u jooga dalkaasi Sucuudiga Amba Ilyees Sheekh Cumar Abuubakar oo xog-wareysi la yeelatay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay tani ay meesha ka saareyso aragti qaldan oo laga aaminsanaa in Soomaalida kunool dalkaasi ay la kulmaan oo kaliya dhibaatooyin,balse taasi dhanka kale marka laga fiiriyo Soomaalidu fursado aad u muhiimsan ay ka helaan wadankaasi.

Waxaa soo wehliya arrimahaasi dad Soomaaliyeed oo inta badan xabsiyada kujira,si ay cadaalada u helaanna,Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Sucuudiga Amba Ilyees Sheekh Cumar Abuubar ayaa markale SONNA u sheegay in ka diplomaasiyiin ahaan ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii wax badan ay uga ogaan lahaayeen xaaladda maxaabiista ku xir xiran xabsiyada dalkaasi,iyagoo cadaalada u raadinaya hadii ay helaan muwadiniinta Soomaaliyeed oo xiran,iygoo kaashanaya hay’adaha dalkaasi oo ay wada shaqeyntu kala dhexeyso.

Dhanka kale Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Sucuudiga ayaa laga dareemayaa isbedel ballaaran marka laga hadlayo hawlaha u adeegista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan,ama kuwo hawlaha kala duwan dalkaaso ugu safrayo oo ay kujiraan Madaxda iyo shaqaalaha hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Howlwadeenada ayaa si firfircowni leh ugu adeega Bulshada,taasi oo bulshadu ay soo dhaweeyeen,arrinkaasi ayaana sii xoogeystay tan iyo markii mas’uuliyiinta Qunsuliyaddaasi oo uu ugu horeeyo Amb Ilyees Sheekh Cumar ay bilaabeen qorshayaal lagu dhiirogelinayo shaqaalaha howlkarka ah,iyadoo la abaalmarinayo shaqsi kasta oo dhanka Bulshada adeeg hufan u qabta.

Magaalooyinka Jiddah,Makka iyo Maddiina ayay inta badan kunool yihiin dadka Soomaaliyeed,inkastoo ay jiraan meelo kale oo Soomaalidu ay ku nooshahay,muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa ka shaqeysa gaadiidka isaga kala goosha magaalooyinkaasi,iyadoo la marayo habka shuruucda iyo nidaamka shaqo ee dalkaasi u yaala.

Iskuxirka Safaaradaha Soomaalia ay ku leedahay wadamada Caalamka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dunida ku kalanool waxay waxbadan ka taraysaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan xuquuqaadka ay leeyihiin,si lamid ah bulshooyinka wadamada kale ka soo jeeda,haddii ay dhacdo xadgudubyo,handadaad,xariga iyo dhibaatooyinkale.

SONNA

Previous Post

Wafdi ka socda Wasaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Balad Xaawo+Sawirro

Next Post

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo heshiis la saxiixday Madaxda Wasaaradda Xajka ee Sucuudiga

Next Post
Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo heshiis la saxiixday Madaxda Wasaaradda Xajka ee Sucuudiga

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo heshiis la saxiixday Madaxda Wasaaradda Xajka ee Sucuudiga

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In