Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaalka Beledweyne oo laga hirgaliyay mashruuc koronto looga dhalinayo cadceedda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 17, 2015
in Wararka
0
Isbitaalka Beledweyne oo laga hirgaliyay mashruuc koronto looga dhalinayo cadceedda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isbitaalka degmada Beledweyne ayaa laga hirgaliyay mashruuc koronto looga dhalinayo cadceedda, taas oo suurta galin doonto in loo adeegsado dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalku.

Madaxa mashaariicda ee gobolka Hiiraan Axmed Cabdalla Inji ayaa Radio Muqdisho u sheegay in si loo xalliyo dhibaato xagga korontada ah oo heysatay isbitaalka guud ee magaalada, la hirgaliyay mashruuc Soollaro looga dhalinayo korontada loo isticmaali lahaa Isbitaalka.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Hay’ad Jarmal ah ayuu sheegay inay fulinayso mashruucaan oo suurta galin doono in isbitaalku uusan koronto la’aan u xayirmin, taas oo keeni doonta in howsha isbitaalku ay noqoto mid joogto ah.

“Waxaan helnay soolarro kaafinaya isbitaalka 24-ka saac, sida qeybaha saallada, raajada, qolalka bukaannadu jiifaan, qeybta raashinka iyo dhammaan qeybaha kale” ayuu yiri Axmed Inji.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa isbitaalka heysatay cillad dhinaca korontada ah, ayadoo ay dhici jirtay in korontadu ay tagto ayadoo bukaano loo adeegayo. Mashruucaan ayaa meesha ka saari doona caqabadahaasi.

Previous Post

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo la kulmay guddoonka baarlamaanka Puntland

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo 17.03.2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhagayso Warka Subaxnimo 17.03.2015

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In