Saturday, May 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isimada Puntland oo Qado-sharaf u sameeyay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”

July 30, 2018
in Wararka
0
Isimada Puntland oo Qado-sharaf u sameeyay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isimada Puntland ee ay ugu horreeyaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suladaan Siciid Maxamed Garaase ayaa maanta oo taariikhdu tahay 30 July 2018 waxay marti qaad u sameeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre iyo weftigii balaarnaa ee la socday.

 

Related posts

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022

Isimada Puntland Marti qaadka ay u sameeyeen mas’uuliyiinta ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, Marwada koowaad ee Puntland Marwo Hodan Siciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Kuxigeenadiisa, goloyaasha Dowlad Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadii qado sharafta ahayd ayaa uga mahad celiyay martiqaadka ay sameeyeen Isimada Puntland ee Gobolka Nugaal.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre oo isna martiqaadka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ugu horeyn soo dhaweentii diiraneed ee shalay ay u sameeyeen shacabka Puntland, isla’markaana uu ka mahad celinaayo isaga oo ku hadlaya afka dhammaan waftiga lasocday martiqaadkan ay u sameeyeen Isimada Puntland ee ay ugu horreeyaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suladaan Siciid Maxamed Garaase.

Madaxweynaha Puntland ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre si diiran ugu soo dhoweeyey Puntlnad, isla’ marahaantaana tibaaxay in soo dhoweynta iyo marti soorku yahay mid ka mida dhaqamada wanaagsan ee ay leedahay Puntlnad.

Isimada Puntland marti qaadka ay u sameeyeen Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa imaanaysa xili maalintii labaad uu ku sugan yahay Ra’iisul-Wasaare Khayre caasimada Dowlad Goboleedka Puntland ee Garoowe.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo "SAWIRRO"

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga...

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In