Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay in Colaadda Tukaraq Lagu Bedelo Xasilooni, Horumar iyo Midnimo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garowe, July 30, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta dawlad gobaleedka Puntland ayaa hoolka Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa uuna ku baaqay in Colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq lagu bedelo Xasilooni, horumar iyo midnimo.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Aafada cusub ee dagaalka Tukaraq ee nahor taallaa waa in lagu bedelaa xasilooni, waa in lagu bedelaa horumar waa in lagu bedelaa midnimo. Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waa Muqaddas. Dadka Soomaaliyeedd meel kala aadimaayaan hadii ay wax kala tabanayaan waa in ay isu yimaadaan. Hadii aad tahay Dhalinyaro Haween iyo Culimo, qof waliba oo Soomaaliyeed waa in uu aqbalaa dhib waxaa noogu filan 30-kii sano ee lasoo dhaafay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

Dhallinyada Soomaaaliyeed ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in ay yihiin Raasumalka, hogaamiyaashii Mustaqbalka, Maskaxda, indhaha, gacmaha, dhegaha iyo xoogga dalka sidaa darteed looga baahanyahay in ay noqdaaan Tabiliiqa cusub ee nabadeynta, dawladnimada iyo hogaanka dib-u-heshiisiinta ummaddda Soomaaliyeed si loo nooleeyo midnimada.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka aqoon badanyihiin, ka hanti badanyihiin, ka fursad fiicanyihiin dhalinyaradii xornimada dhalisay ee SYL, sidaa darteed looga baahanyahay in ay taariikhda dalka baal dahab ah ka galaan oo ay dalkooda u shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa khubadiisa kusoo hadal qaaday horumarka la gaaray sanadkii iyo barkii xukuummadu jirtay isaga oo hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha dalku kobcay, wax soo saarka guduhu (GDP) horumar sameeyay, awoodda wax iibsigu ay sare u kacay, dawladdu ay ku guuleysatay bixinta mushaarka, sicir bararku hoos u dhacay iyo in xaddiga faqrigu hoos u dhacay.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Khayre khudbadiisa ku sheegay inay muhiim tahay in la helo Ciidan Soomaaliyeed oo Sharafta iyo karaamaha ummadda soo celiya, ka qayb qaata la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in la helo nidaam cadaladeed dhamaystiran, lagu kalsoonaan karo, bulshadana kala haga.

–DHAMMAAD—-

Previous Post

Isimada Puntland oo Qado-sharaf u sameeyay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso wareysiga gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Hirshabeelle

Next Post
Dhageyso wareysiga gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Hirshabeelle

Dhageyso wareysiga gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Hirshabeelle

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In