Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay wakiillada qoysaska ay dadkooda ku ku xiranyahiin Qaza, iyadoo uu sii kordhaya cadaadiska Caalamiga ah ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay in la helo heshiis Xabbad joojin ah ayaa la sheegayaa in madaxda Isra’iil ay ogoladeen heshiiskaas.
Madaxweynaha Israa’iil ayaa sheegay in Tel Aviv ay diyaar u tahay xabbad joojin bini’aadantinimo si loo sii daayo Maxaabiista laga haysto.
Wargeyska “Israel Today” oo soo xiganaya Madaxweynaha Israa’iil Isxaq Herzog, ayaa sheegay in Israa’iil ay diyaar u tahay xabbad joojin cusub si loogu sii daayo Maxabiista ay ka haystaan Xamaas.
Wargeyska, ayaa sidokale xusay in Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca Israa’iil ay ku wargeliyeen Xog-hayaha Difaaca Mareykanka, in Israa’iil ay diyaar u tahay inay fursad siiso codsiyada diblomaasiyadiinta, ayna diyaar u yahiin xabbad-joojin bini’aadantinimo oo kooban.
Wargeyska, ayaa ku micneeyay go’aanka Isra’iil ee dib u cusboonaysiinta Xabbad joojinta cadaadis ay kala kulmeen dagaalka dhulka ee ciidamadooda ay ku qadeen Qaza.