Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isu soo bax lagu taageerayay dowladda oo ka dhacay Garbahaareey

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 13, 2017
in Wararka
0
Isu soo bax lagu taageerayay dowladda oo ka dhacay Garbahaareey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal dadwayne ah oo ka mid ah shacabka Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobalka Gedo ayaa ka qeyb galay banaan bax lagu taageerayay Waxqabadka dowladda Federalka Soomaaliya, isla markana sido kale looga soo horjeedo cid kasto ka so horjeeda nidaamka dowladnimo ee Dalka ka hanaqaaday.

Banaan baxayaasha ayaa socod dheer ku soo maray dhammaan waddooyinka halbowlaha ee Degmada Garbahaarey, iyagoo ugu dambaynti isugu soo biya shubtay  Taalada Garbahaarey, kuwaasi oo watay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka turjumaya taageerada ay u hayaan dowladda.

Related posts

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025

Qaar ka mid ah dadkii isu soo baxa Nabadeed soo qaban qaabiyay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay taageersanyihiin horumarka ay ku talaabsatay dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ay ku baaqeen in hal meel looga soo wada jeesto cidkasta oo ka horjeedda nidaamka dowliga ah.

Bulshada Garbahaarey waxa ay shegeen in ay tageersan yihiin Dowladda Soomaaliya ayna diidan yihiin cid kasto oo dowladda ka soo horjeedda.

 

 

Previous Post

Wasaaradda Gaadiidka oo ku guuleysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In