Xafiiska isku duwida arrimaha bena’aadinimo ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 20 miliyan oo Itoobiyaan ah ay deg-deg uga baahan yihiin wax ay cunaan, waxana la soo warinaya in macluul ay gaysanayso dhimashada carrur badan oo ku nool deegaanada fog-fog ee gobalada Amxaarada iyo Tigreega.
Colaad iyo abaaro xun oo hadda taagan ayaa isu biirsaday Itoobiya, waxa jira barakaca 1.5 milyan, waxana hay’adaha gar-gaarka caalamka ay eeda saarayaan dawladda Itoobiya oo bixisay war aan ku saleysnayd xaqaa’iqa nolosha dadka ku saamoobay.
Ra’isul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in waddankiisa uu gaaray isku filnaansho, oo soo saaraya Qamida taasi oo xitaa debadda loo dhoofinayo.
Dawladda Federal-ka Itoobiya ayaa dafirtay xaaladaha adag ee waddanka ka jira oo ay khubarada isbar-bar dhigayaan duruufo nololeed oo sidan oo kale uga dhacay waddanka siiba abaar dhacday 1986-dii markaa oo gaajo daran dhacday.
“Waa dhab dhibaatada cuni yarida ee dalka Itoobiya, waxaana sababay Colaada iyo abaarta daba-dheeratay taasi oo aan mar-marsiyo looga dhigan Karin macluusha Tigrey balse waa siyaasada dawladda ee ku dhisan ciqaabta iyo go’aanada kaalmada beni’aadinimo ee caalamka oo in la’isa su’aalo tahay”, Mukesh Kapila, Professor ahna qoraa ka faalooda arrimaha collaadaha.
Iyada oo jirta dhibaatadan ayaa ra’isul wasaaraha Itoobiya waxa uu gobalka u horseedaya colaad hor leh, sida in uu ka fekeray in madax banaanida waddanka Soomaaliya in uu fara-gelin ku sameeyo isaga oo doonaya dhul & bad boob, waxana hore colaad waddanka kala dhaxeysay waddama Sudan iyo Masar oo biyo xireen ay ahayd in waddamada wadaagaan uu iskiis go’aan ku qaatay in uu sameysto.
Dawladda Itoobiya ayaa wajahayso dhibaato dhinacyo badan oo ay ku jirta diidmo ka imaanaysa maamulada iyo xitaa xisbiga talada hayo oo bilaabay in ay shaqada iska tagaan ka dib markii uu ka jawaabi waayey baahiyaha bulshada iyo qaadashada go’aan aan la isku raacsanayn oo waxa ka dhalan kara la ogeyn.