Thursday, August 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Daa’uud Aweys “Marna ma aqbali doono xadgudubka Dowladda Itoobiya u bareertay”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir Daa’uud Aweys “Marna ma aqbali doono xadgudubka Dowladda Itoobiya u bareertay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa khadka fogaan aragga ah kala qeyb galay Jaaliyadda Soomaaliyered gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka munaasabad looga soo horjeedo damaca gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeybo ka mid ah Badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa marka hore uga mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota isku soo baxaan weyn ee ay kaga soo horjeedaan gardarada qaawan ee Itoobiya ay u bareertay, taas oo ay wax ugu dhimeyso Qaranimada iyo madax bannaanida dhuleed ee dalkeenna.

Related posts

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 12, 2026

“Waad mahadsan tihiin dhammaantiin, si weyn ayaa idin kaga mahadcelineynaa isku soo baxaan weyn oo aad maanta ku dhigaeysaan Minnesota, idinka oo ka soo horjeeda gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya ay ugu bareertay, waxaan idin cadeyneynaa in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay diidmadeeda qayixan ee damaca Itoobiya, islamarkaana marnaba la aqbali doonin in la haweysto taako ka mid ah dhulkeenna,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Soomaaliya markasta ay u taagan tahay deris wanaag iyo iskaashi, balse marnaba aysan ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo madax bannaanideeda dhuleed.

”Soomaaliya waxay mar walba u taagan tahay derisnimo wanaagsan iyo iskaashi laakiin marka ay dhacdo xadgudub noocaan oo kale ah marnaba ma yeeleyno, waxaan ilaalineynaa oo aan difaaceynaa Qaranimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,”.ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa uga digay Dowladda Itoobiya in ay ka waantowdo falalka gurracan ay waddo oo wax u dhimaya nabadda gobolka iyo kan caalamka, isagoo dhanka kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, markale, uga mahadceliyay sida wadaniyadda leh ay u muujiyeen dareenkooda ku aaddan ilaalinta Qaranimada Soomaaliyeed, waxaana idin rajeynayaa guul Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha guuleysato.

Previous Post

Itoobiya: in ka badan 20 malyan oo Shacab ah ayaa wajahaya cunto la’aan daran

Next Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada

Next Post
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 500 oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayay...

Mas’uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

Mas’uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

August 12, 2026
0

Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, iyo maareeyayaashii hore ee soo maray Dekedda Muqdisho ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgalay janaasada...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Aqoonsiga Kolombiya ee Madax-bannaanida Israa’iil ee Buuraleyda Golan

August 12, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa go’aanka ay Dowladda Kolombiya ay ku aqoonsatay sheegashada Israa’iil ee ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In