Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Itoobiya oo diiday inay la macaamisho wakiilka Reer Yurub

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Itoobiya oo diiday inay la macaamisho wakiilka Reer Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday diidmadeeda ku aadan la macaamilka ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Itoobiya, kadib markii Wasiirka arrimaha dibadda Finland  uu booqday Itoobiya, kaasi oo warbixin siiyay baarlamaanka Yurub.

Bayaan ka soo baxay  Xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu dhaleeceyay hanaanka wakiilnimo sarkaalka reer Yurub ay u wakisheen doorashooyinka Itoobiya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026
Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

March 5, 2026

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhamaan dhinacyada isku haya gobolka  Tigre ay sameyeen falal xadgudub ah, iyagagoo xusay in eedda inteeda badan ay leeyahiin ciidamada Itoobiya iyo Eriteriya oo loo haysto go’doomin iyo kufsi wadareed.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa bilaabay olole ay ciidanka federalku kuqaadayaan gobalka Tigre si ay hubka uga dhigaan hogaamiyaasha Jabhadda Xoreynta Shacbiga Tigre, isagoo ku eedeeyay kooxdan inay weeraro ku qaadeen xeryaha ciidanka.

Intii ay socdeen hawlgallada Ciidamada federaalka waxaa taageero ka heleen Ciidamada Ereteriya iyo xoogaga gobolka Amxaarada Itoobiya, oo soohdin la leh Tigray-ga, kadib markii Ciidamada ay qabsadeen magaalada Mekele.

Ciidamada Eriteriya ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen gaboodfallo ka dhan ah shacabka Tigre, oo ay ka mid yihiin xasuuq, kufsi, dhac, iyo kuwo kale, Amnesty International iyo Human Rights Watch, ayaa xustay in ciidamadani ay boqolaal rayid ah ku dileen magaalada Aksum.

Wakaaladda Wararka Faransiiska, ayaa sidoo kale diiwaangelisay xasuuq la sheegay in ciidamada Ereteriya ay ka geysteen magaalada Dongolat intii ay socdeen dagaaladii ka socday gobalkaTigre.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo u Hanbalyeeyay  Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Next Post

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaaradda Gaashaandhigga

Next Post
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaaradda Gaashaandhigga

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u...

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay mahadcelin iyo qaddarin weyn u muujinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Dastuurka XFS oo soo saartay Bayaan Dadweyne

March 5, 2026
0

𝐁𝐀𝐘𝐀𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒 𝐊𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha...

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

Wasiirka Dekedaha oo ka mahadceliyey ansixinta heshiiska FAL 1965 

March 5, 2026
0

Muqdisho, 05 Maarso 2026 – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In