Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo Gaalkacyo lagu qabtay+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo Gaalkacyo lagu qabtay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada booliska magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka ku guuleystay Inay gacanta Kusoo dhigaan Jaakad Nooca Qaraxyada loo isticmaalo oo kooxaha dhagar qavayaasha ay rabeen in ay ku wax yeeleeyaan bulshada magaalada.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Mudug G/Dhaxe Qaasim Sheekh Doon Cali Oo la Hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgal Lagu Soo Qabtay Jaakadaan Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo lagu qariyay mid ka mid ah xaafadaha magaalada.

Related posts

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026

“Waxaan maalmahaan wadnay howl-gallo lagu sugayo  Ammaanka magaalada inagoo ka sameeyneyna dhammaan xaafadaha sidaa daraadeed waxaa inoo suura gashay inaan gacanta kusoo dhigno  Jaakad Nooca Qaraxyada loo Isticmaalo oo la dhigay goob luuq ah oo ku taallo xaafaada Wadajir ee magaalada Gaalkacayo” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal, oo Isna La hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa bogaadiyay dadaalka ciidanka booliiska ee ku Aadan Sugida Amniga.

“Waxaan bogaadinayaa ciidamada booliska sida ay u sugayaan Amaanka iyagoo kaashanaya shacabka,sidoo kale waxaan bulshada magaalada ka codsaneynaa inay soo sheegaan cidkasto oo ay u arkaan inay falal amni daro ay kawadox  magaalada” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal.

Maalmihii ugu dam-beeyay waxa ay Ciidamada Amaanka ay Magaalada Gaalkacyo ka wadeen howl-gallo xoogan oo lagu sugayo amniga kuwaasi oo ay iska kaashanayaan qeybaha kala duwan ee ciidamada ,Maamulka Magaalada iyo qeybaha bulshada.

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada oo dib u siisay Xurriyadooda rag uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii Afgooye

Next Post

Shir Deg Deg oo looga hadlayo Caabuqa Covid-19 oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post
Shir Deg Deg oo looga hadlayo Caabuqa Covid-19 oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Shir Deg Deg oo looga hadlayo Caabuqa Covid-19 oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In