Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyada Soomaaliya ee Pakistan oo gudoomiye cusub doortay-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Jaaliyada Soomaaliya ee Pakistan oo gudoomiye cusub doortay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad balaaran oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koonfurta wadanka Pakistan.

U jeedada xafladda ayaa aheyd sidii loo dooran lahaa hogaanka cusub ee jaaliyadda Soomaaliyeed magaalada Karachi ee dalkaas, maadaama kii hore waqtiga ka dhamaaday, iyadoo qaban qaabada xafladda loo xil saaray ilaa todono xubnood oo jaaliyadda ka tirsan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada xafladda Abu Bakar Xasan Maxamed oo ka hadlay munaasabadda ayaa u mahadceliyay safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan Marwo Khadiija Al-Makhzuumi, oo gacan ka siiyay qabsoomidda xafladda.

Xilka cusub ee hogaanka jaaliyadda ayaa waxaa isu soo sharaxay ilaa afar murashax, iyadoo doorashada cod qarsoodi aheyd uu ku soo baxay Siciid Cabdi Kulane oo heley 74 cod , isagoo ka guuleystay C/fitaax C/qaadir Cismaan oo heley 71 cod.

Doorashada ka dib ayaa qaar kamid ah mas’uuliyiintii ka qeybgashay waxaa ay bogaadiyeen qaabka doorashada, waxaana kamid ah Dr. Xasan Hilowle, isagoo hogaanka cusub ku booriyay dadaal dheeraad ah.

Gunaanadkii xafladda ayaa waxaa hadiyado la gudoonsiiyay safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan iyo qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Karachi.

Guddoomiyaha cusub ee jaaliyadda Soomaaliya ee magaalada Karachi, ayaa waxaa uu u mahadceliyay dhamaan dadkii ka qeybgalay munaasabada, isagoo codsaday in lala shaqeeyo.

xaflad1 xaflad2 xaflad5 xaflad6 xaflad7 xaflad11 xaflad12 xaflad14 xaflad15 xaflad16 xaflad17 xaflad18 xaflad19

Mursal Mohamud Osman,   Karachi-Pakistan.

 

Previous Post

RW Ku-Xigeenka oo ka gudoomay Jaamacadda Carabt lacag gargaar ah-Sawirro

Next Post

Xeer ilaaliyaha qaranka oo ka hadlay go’aanka la filayo labada Fibraayo

Next Post
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay iney India kala hadleen dib u soo celinta maxaabiis Soomaali ah

Xeer ilaaliyaha qaranka oo ka hadlay go'aanka la filayo labada Fibraayo

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In