Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka qeyb-qaadato sidii la isugu xiri lahaa bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi, si loo badbaadiyo dhalinyarada ay marin-habaabinayaan kooxaha argagaixisada ah ee UGUS.
Ugaas Ismaaciil Cabdulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa isaga oo la hadlayey Radio Muqdisho waxa uu sheegay in dhallinyaro ah ardey ah oo lix gaaraya ay haatan u xiran yihiin arrimo la xiriira argagixisonimo.
“Dhibaatada ugu badan waxa ay tahay ee na haysta, in carruurta la qaldo oo ay marin habaabinayaan kooxaha argagixisada, sidoo kale tafaraaruqa Soomaalida ayaa keeneysa in laga faa’iideyso, waxaan ka codsaneynaa in Dowladda Soomaaliya ay arrimahan wax nalaga qabato, lixda hadda xiran waxaa lagu soo oogay in ay u socdaalayeen Siiriya, oo ay ku biiri rabeen kooxaha argagixisada, dhibaatooyin badan ayaa haysta, marka waxaan dowladda ka sugeynaa inay noo soo magacowda safiir arrimahan nagala shaqeeya” ayuu yiri Ugaas Ismaaciil.
Ugaas Ismaaciil ayaa xusay in 19-kale oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee Mareykanka ku nool in iyana lagu dabo joogo oo ay ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, inkasta oo aysan xirneyn, waxaana dhankeena ku dadaaleynaa sidii wacyi gelin buuxdo loo siin lahaa dhallinyarada.