Shir mid lagu soo bandhigayay hiddaha iyo dhaqanka Dalalka Africa ayaa lagu qabtay Magaalada Cape town ee Dalka South Africa, waxaana soo qaban qaabiyay heyโad lagu magacaaboโ Mideey Africa โoo kaashanaysa Jaaliyadaha Africaanka ee ku nool Cape Town.
C/qaadir Khaliif, oo ah Agaasimaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika, ayaa sheegay in jaaliyadda Soomaalida ay halkaasi ku soo bandhigeen hiddaha iyo dhaqankeena suuban isagoo tilmaamay in ay aad u jecleysteen jaaliyadaha africa ee halkaasi ku sugnaa.
Sowdo xaaji Siidoow, oo ka mid ahayd Gabdhihii Soomaaliyeed ee wacdaraha ka dhigay Bandhig dhaqameedkan ayaa sheegtay, inay aad ugu faraxsan tahay wixii quruxda badnaa ee ay soo gudbiyeen iyo sidii ay usoo jiiteen Bulshadii kale ee kala qayb qaadanaysay munaasabadda.
Soomaalida ku nool Magaalooyinka South Africa, ayaa inta badan aad uga dhex muuqday Barnaamijyada noocan ah, iyagoo Laf dhabar u ah isdhexgalka Bulshooyinka kale ee Afrikaankanka ah. waxanay inta badan xoogga saaraan Ganacsiga iyo wax soo saark