Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka oo taageero u muujisay Madaxweyne Farmaajo+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka oo taageero u muujisay Madaxweyne Farmaajo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee ku nool magaalada Louisville gobolka Kentucky  ee Dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay Taageerada ay u hayaan  dowlada Soomaaliyeed iyo madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Maxamed Cabdillahi “Farmaajo”.

Boqolaal dhalinyaro ubadan ayaa ka soo qeybgalay xafladan, waxayna ku marti galiyeen Maamulka gobolkooda iyada oo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Louisville ay soo camreen goobta xaflada.

Related posts

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026

Muddadii ay socotay xafladda waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay dhamaan martidii ka hadashay iyada oo diirradda la saarayay ahmiyadda Dowladnimada iyo Ammaanka u leeyihiin Bulsho walba oo dunidan ku nool.

Madaxweyne Farmaajo ayay ugu baaqeen in uu diirradda saaro arrimaha Amniga iyo ciidamada si loo helo ciidan qaran oo hanan kara Amniga iyo xasiloonida.

Qaar ka mid ah waxgaradkii ka hadlay xafladan oo aad u qiiraysnaa ayaa Jaaliyada ugu baaqay in ay is garab taagaan dowladooda iyo in laga qeyb qaato bixinta mushaaraadka ciidanka si ayay dhaheen looga gudbo Baahida dhaqaale ee curyaamisay ciidanka Qaranka,waxayna inbadan oo ka mid ah balan qaadeen in ay bixinayaan wax walba oo dalkooda lagu samatabixinayo balse ay sugayaan hanaankii ay mari lahayeen iyo in dowladu soo diyaariso qorshe lagu caawiyo.

Mas’uuliyiintii ka socotay dowladda gobolka Kentucky ee xaflada ka hadlay ayaa ugu baaqay jaaliyada Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii dalkii ay colaadaha uga soo carareen u cawinlahayeen una garab istaagi lahayeen dowlada Cusub oo uu hogaaminayo Madaxweyne adinka oo kale ahaa shalay dalka Mareykankana wax ka bartay taas oo na farax galinaysa.

Waxaa la soo bandhigay ciyaaraha dhaqanka, Heeso, iyo Suugaan kala duwan oo dhamaan ka tarjumayay isbadalka Soomaaliya.

Arimaha la xariira Abaaraha ayaa lagu dhawaaqay in sida ugu dag daga badan loo sameeyo Gudi reer Kentucky ah oo ka qeyb qaata caawinta dadka abaaruhu halakeeyeen gudaha Soomaaliya.

Kentucky oo ka mid ah meelaha ay Soomaalida aadka u yar ku noolyihiin waxa ay Soomaalidu ka dhex muuqdaan Jaaliyadaha kale iyaga oo sameeyay Horumar dhanka Nolosha ah, isla markaana la shaqeeya dowlada Gobolkooda.

1 2 3 4 5 6 unnamed

Deeqo SONNA

Previous Post

Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Garoowe+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo caawa booqday dadki ku dhaawacmay qaraxii maanta+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo caawa booqday dadki ku dhaawacmay qaraxii maanta+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo caawa booqday dadki ku dhaawacmay qaraxii maanta+Sawirro

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha....

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In