Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Pretoria oo lacago ugu deeqay guddiga gurmadka abaaraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha Oo ka Dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Pretoria ee Caasimada Dalka South Africa ayaa Lacag ugu deeqday Dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, ayada oo lacagtaana loo wakiishay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Lacagtaan oo aheyd mid ay iska soo aruuriyeen Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Pretoria ee caasimadda dalka South Africa ayaa waxaa loogu talagalay in Jaaliyadda ay kaga qeyb qaadato gurmadka loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed oo ay abaaraha ku habsadeeen ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Waxaa fikirka lacag aruurintaan lahaa dhallinyarada Soomaalida ee ku nool magaalada Pretoria waxaana ka qeyb qaatay ganacsatada, odoyaasha dhaqanka, madaxda Jaaliyadda,iyo guddiga culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi.

Xuseen C/laahi Cilmi oo ku hadlayay magaca dhalinyarada shaqadaan soo qabatay ayaa lacagta ku wareejiyay guddiga Jaaliyadda iyo odoyaasha waxaana uu Warbaahinta Qaranka u sheegay dareenka ku dhaliyay in howshaan ay qabtaan.

‘Waxaan u adkeysan waynay waxaa Soomaaliya ka dhacaya fakarkaan ayaa nagu dhashay dhallinyarada waa ay isku timid kadibna howshaan ayaa ku dhaqaaqnay”ayuu yiri Xuseen.

C/laahi Sheekh Doon oo ku hadlayay magaca odoyaasha iyo sido kale Cabdifitaax Sayid ayaa ka hadlayay cadadka lacagta lagu wareejiyay iyo cidda ay u wakiisheen.

“Cadadka lacagta ay hadda noo soo gacan galiyeen waxaa weeye $11,808, (Kow iyo toban kun, sideed boqol iyo sideed) kamana caajisi doono waan sii wadi doonaa hadduu Alle idmo” ayuu yiri Cabdulaahi Sheekh Doon.

“Culimada Soomaaliya joogta ayaan u wakiilanay oo uu hormuud u yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh Maxamuud Cabdulle Faarax, anaga oo ah Jaaliyadda Reer Pretoria,qeyb kale waxaan u direynaa Soomaali galbeed waxaana u wakiilaneynaa culimada halkaas Joogta”

Magaalada Pretoria ayaa ka mid ah magaalooyinka ay Soomaalida ku yar tahay waxaana dhaqaaalahaan ay ku tabaruceen guddiga abaaraha uu kusoo aadaya xilli dhamaadkii bishii hore  ay ka dhaceen rabshado lagu boobay ganacsiga Soomaalida.

By C/laahi Maxamuud Amiin.

C/laahi Qorshe

Pretoria South Africa

 

 

Previous Post

Madaxa xafiiska Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ka shaqeynaya horumarinta ganacsiga dalka

Next Post

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Suudaani oo ka hadlay doon lagu duqeeyay Xeebaha Yemen “Dhageyso”

Next Post
Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Suudaani oo ka hadlay doon lagu duqeeyay Xeebaha Yemen “Dhageyso”

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Suudaani oo ka hadlay doon lagu duqeeyay Xeebaha Yemen "Dhageyso"

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In