Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan oo taageertay Guddoomiye Yariisow “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan oo taageertay Guddoomiye Yariisow “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimey oo ka dhacday magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan ayaa xalay lagu qabtay Hoolka weyn ee Jaamacadda Afrika midaas oo lagu taageerayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo dhawaan xilkaas loo magacaabay.

Xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal arday iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay meeshaas Xildhibaan Yuusuf Jimcaale Xayle, Siyaasiyiin, Diblomaasiyiin, Hooyooyin, dhallinyaro iyo aqoonyahan, iyagoo dhamaan u rajeeyay Guddoomiyaha cusub in Illaah xilkaas ku asturo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

Xildhibaan Yuusuf Jimcaale Xayle oo haalkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in munaasabadaan taageerada loogu muujinayo Guddoomiyaha Gobolka uu ka qeyb galo, isagoo ku amaanay in Eng, Yariisow yahay siyaasi waxqabad leh oo horumarka dalka ka shaqeeya.

Fiidow Maxamuud Fiidow Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo isna munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in uu yahay guddoomiyaha cusub, qof hadal yar oo waxqabad badan ahna qunyar socod siyaasadeed oo aysan dhicin wali in xil looga qaaday is qilaaf isaga iyo madaxdii ka saraysay ah.

Cabaas Maxamed Nuur oo isna ku hadlayay magaca dhallinyarada ayaa sheegay in guddoomiyaha soo dhaweynayaan iyagoo ku qanacsan waxqabadkii hore ee horay loogu soo arkay guddoomiyaha iyo xilalkii uu horay usoo qabtay.

Cabdiwali Xasan Xuseen oo ah xoghaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan ayaa sheegay in uu yahay Eng Yariisow qof laba jeer Suudaan xaflad loogu qabtay oo horay isaga oo wasiir warfaafin loo magacaabay munaasabad taageero ah loogu qabtay hadana tahay munaasabadan lagu taageerayo magacaabistiisa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Dhankiisa Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow oo qadka Telefoonka kaga qeyb qaatay ayaa uga mahadnaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan iyo dadka isku howlay qabanqaabada munaasabadan taageerada ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale la wadaagay dadkii xafladda kasoo qeyb galay qorshaha waxqabadkiisa howleed ee soo socda iyo  meelaha xooga saari doono, waxa uuna ka codsaday kasoo dadkii xafladda ku sugnaa in ugu soo duceeyaan in xilka illaah kula garab galo.

Previous Post

R/W Khayre oo Daah-furay Xafladda Sanad guuradii 1-aad ee Dib-u-howl galinta Xiriirka Guud ee Ururada shaqaalaha Dawladda “SAWIRRO”

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In