Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Khayre oo Daah-furay Xafladda Sanad guuradii 1-aad ee Dib-u-howl galinta Xiriirka Guud ee Ururada shaqaalaha Dawladda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
R/W Khayre oo Daah-furay Xafladda Sanad guuradii 1-aad ee Dib-u-howl galinta Xiriirka Guud ee Ururada shaqaalaha Dawladda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho-Feb,5 -2018 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka guud ee Ururada Shaqaalaha dawladda. xafladan ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadka ururka oo sanad jirsaday iyo u mahad celinta Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Khayre oo ahmiyad wayn siisay shaqaalaha dawladda.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb galayn Wasiiro, Xildhibaano, Xiriirka guud ee ururada Shaqaalaha dawladda iyo qaybaha kale ee bulshadda, ayaa ugu horayntii lagu soo bandhigay waxqabadka xiriirka guud oo sanad jirsaday, waxaana sidoo kale la soo bandhigay shakhsiyaadkii howl karnimada muujiyay mudadii uu jiray ururku, iyagoona goobta lagu gudoonsiiyay Shahaado sharafyo.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Xil- Cabdicasiis Saalax Carmaan, ayaa ka mahad celiyay ka soo qaybgalka Ra’iisul Wasaaraha ee munaasabadan, wuxuuna shaqaalaha ku dhiirigaliyay in ay labalaabaan dadaalkooda, ayna hormariyaan waayo aragnimadooda iyo khibradooda shaqo si dalka uu hormar u gaaro. Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay madaxda ururada shaqaalaha kala duwan, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa isna ka sheekeyay taariikhda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hadafka xukuumadiisu uusan ahayn oo kaliya bixinta mushaaraadka shaqaalaha dawladda, balse uu yahay in ay shaqaalaha qaranka gaarsiiso in ay awood u yeeshaan qabashada shaqadooda. Wuxuuna bogaadiyay shaqaalaha sida ay ugu dhabar adeegayn waqtigii adkaa ay soo mareen.

“Waa in dalkeena uu noqdaa sidii uu ahaan jiray iyo ka siifiican, taasna waxaa inoo sahli kara anagoo dadaal dheeraad ah samayna. Marka waa in aad Indhihiina kala furtaan oo la timaadaan shaqo hufan iyo dhiiranaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaae Khayre ayaa tilmamay in ay Soomaaliya tahay markii ay ugu rajadda wanaagsanayd, Beesha caalamkuna ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan dawladda. Waxuuna ka soo qayb galayaasha kula dardaarmay in ay mar walba muhiimadda siiyaan danta guud ee dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqday xarunta gobolka Banaadir, waxuuna kula kulmay Guddoomiyaha gobolka ahan duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Yariisow), gudoomiye ku xigeenka Amnigga iyo Siyaasadda iyo Xooghaya gobolka Banaadir, isagoona kala hadlay xaaladda guud ee gobolka iyo howlhii ay ku soo kordhiyeen shaqadii ka socotay gobolka Banaadir.

—–DHAMAAAD——

Previous Post

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Amniga oo shir guddoomiyay kulan ku saabsan Nabadgelyada “SAWIRRO”

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan oo taageertay Guddoomiye Yariisow “SAWIRRO”

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan oo taageertay Guddoomiye Yariisow “SAWIRRO”

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan oo taageertay Guddoomiye Yariisow "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In