Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga oo ka qeyb qaadatay dibadbaxyo ka dhacay Ankara+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga oo ka qeyb qaadatay dibadbaxyo ka dhacay Ankara+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga oo ka qeyb qaadatay dibadbax aad u balaaran oo xalay ka dhacay magaalada Ankara kaasoo lagu taageerayay madaxweyne Erdogan.

Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho iyagoo ku sugan fagaaraha dibadbaxu ka dhacayay ayaa sheegay in shacabka Turkiga ay la wadaagayaan dareenkooda ku aaddan madaxweyne Erdugan.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Halkan ka dhageyso wareysiga jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga

dibadbaxayaal turki

Xaaladda Turkiga ayaa xalay deganeyd inqilaabkii dhicisoobay kaddib, waxaana dadka oo faraxsan ay isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo calanka Turkiga lulayay iyo sawirka Madaxweynaha.

Madaxweyne Erdogan ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha, waxaana uu sheegay in uu todobaadkan sii socdo dibad baxyada looga soo horjeedo isku daygii afgambigii fashilmay.

Erdogan ayaa ku sugnaa xilliga uu bilaabanayay isku dayga afgambi magaalada loo dalxiis tago ee Marmaris, waxaana markii koox ka tirsan Milateriga qabsadeen meelo muhiim ah, waxaa uu ka hadlay Telefishin gaar loo leeyahay, isagoo isticmaalayay aaladda Face Time oo shacabka dalkiisa uu kala hadlay.

Warbaahinta Caalamka ayaa sheegaya in adeega Face Time ay aheyd midii bur burisay isku daygii afgambi, isla markaana horseeday in shacabka Turkiga ay isugu soo baxaan waddooyinka, iyagoo adeecayay hadalkii Madaxweyne Erdogan.

 

Previous Post

Mareykanka oo ugu baaqay dowladda Turkiga in ay xaaladda dejiso

Next Post

Madaxwaynaha Turkiga oo maraykanka ka dalbadya in ay usoo gacan galiyaan Fethullah Gulen

Next Post
Madaxwaynaha Turkiga oo maraykanka ka dalbadya in ay usoo gacan galiyaan Fethullah Gulen

Madaxwaynaha Turkiga oo maraykanka ka dalbadya in ay usoo gacan galiyaan Fethullah Gulen

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In